Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Politics»Khilaafka Siyaasadeed ee Jubbaland iyo Saameynta Cunaqabateynta Dowladda Federaalka

Khilaafka Siyaasadeed ee Jubbaland iyo Saameynta Cunaqabateynta Dowladda Federaalka

December 25, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Dowladda Kenya ayaa wafdi u dirtay Muqdisho maanta, iyagoo ujeedkooda ku sheegay xal u raadinta khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland, oo muddo bilooyin ah taagnaa.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in wafdigaan ay yihiin ergo mataleysa Axmed Madoobe, kaasoo xaalad caafimaad awgeed doonaya inuu safar dibadda ah ku baxo, isagoo ku sugan magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamsa, waxayna ka codsadeen dowladda federaalka in loo fasaxo Axmed Madoobe safar caafimaad oo dibadda ah. Si kastaba ha ahaatee, dowladda federaalka ayaa codsigaas diiday, iyadoo horey cunaqabateyn ugu soo rogtay maamulka Jubbaland.

Sida ay wararku sheegayaan, diyaaradda ka qaadi lahayd Axmed Madoobe Kismaayo waa inay marka hore ka soo degto Muqdisho, taas oo sababtay in Axmed Madoobe uu ergo u soo dirsado dowladda si loo ogolaado safarkiisa caafimaad.

Dowladda federaalka ayaa sidoo kale maanta gabi ahaanba joojisay diyaaradihii rakaabka caadiga ah ee u kala gooshayay Kismaayo, Doolow, iyo magaalooyinka kale ee Jubbaland. Go’aankaas ayaa lagu sheegay inuu ka dhashay fal shalay ka dhacay Kismaayo, oo diyaaradda shirkadda Halla Airlines lagu qasbay inay ciidamo iyo masuuliyiin Jubbaland ah geyso degmada Doolow.

Xayiraadda cusub ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay dadka rayidka ah ee Jubbaland, waxaana sidoo kale ay culeys weyn ku tahay madaxda maamulka Jubbaland, gaar ahaan Axmed Madoobe, maadaama aysan jirin wadooyin dhulka ah oo isku xira magaalooyinka Jubbaland sababo la xiriira goobaha ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan. Tani waxay muhiim ka dhigtay safarrada diyaaradaha.

Xogtu waxay tilmaameysaa in xaaladda caafimaad ee Axmed Madoobe sii xumaaneyso, iyadoo laga horreysiiyay warar sheegaayey inuu muddo dheer xaalad caafimaad la tacaalayey. Dhibaatada ugu weyni waxay soo baxday wixii ka dambeeyay markii uu ka baxay shirkii ugu dambeeyay ee golaha wadatashiga qaranka, halkaasoo uu ka dhashay khilaaf xooggan oo isaga iyo dowladda federaalka u dhexeeya, taasoo keentay in aysan suurtagal u noqon inuu dibadda safarro caafimaad ku aado.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.