Ururka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta ayaa maanta oo Talaado ah soo saaray warbixin uu ku sheegay in sanadka 2024 uu ahaa sanad dhiig badan ku daatay, iyadoo la dilay 104 suxufi oo caalamka ah, in ka badan kala badhna lagu dilay Marinka Gaza oo dagaal burburin ah ay ku waddo Israa’iil.
Ururka oo xisaabiyay dilalka 129 suxufi oo la dilay sanadkii 2023, ayaa Anthony Bellanger oo ah xoghayaha guud ee ururka fadhigiisuna yahay Brussels, sheegay in “sanadka 2024 uu noqday mid ka mid ah sanadaha ugu xun ee saameeyay saxaafadda,” isagoo cambaareeyay “xasuuqa ka socda Falastiin.”
Ururku wuxuu tilmaamay in tirada suxufiyiinta Falastiiniyiinta ah ee la dilay ay gaartay ugu yaraan 138 tan iyo bilowgii dagaalka 7-dii October 2023, halka 55 suxufi Falastiini ah ay ku dhinteen sanadkan 2024.
Warbixintu waxay caddeyneysaa in tiradan suxufiyiinta la dilay ay ka dhigeyso Falastiin mid ka mid ah meelaha ugu khatarta badan taariikhda casriga ah ee saxaafadda, kadib Ciraaq, Filibiin, iyo Mexico, sida ku xusan warbixinta.
Markuu ka hadlayey tiradan, Bellanger ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in suxufiyiinta ku sugan Marinka Gaza “si ula kac ah loo beegsado, halka kuwo kale ay ku dhintaan dagaalada socda, kuwa kalena ay joogaan meelaha khaldan wakhti khaldan.”
Meelaha labaad ee ugu khatarta badan suxufiyiinta kadib Bariga Dhexe ayaa ah gobolka Aasiya iyo Baasifigga, halkaas oo lagu dilay 20 suxufi sanadkan, 6 ka mid ahna lagu dilay Pakistan, 5na Bangladesh, iyo 3 Hindiya ah.
Dagaalka ka socda Ukraine ayaa sidoo kale sababay dhimashada suxufiyiin ku sugan qaaradda Yurub, iyadoo 4 suxufi lagu dilay 2024, marka la barbar dhigo 13 la dilay 2022 iyo 4 sanadkii 2023.
Ururka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta ayaa sidoo kale xusay in 520 suxufi ay sanadkan 2024 ku xiran yihiin caalamka oo dhan, taas oo ah koror weyn marka loo eego 2023 (427 suxufi) iyo 2022 (375 suxufi).