Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Warbixino»Kala Guurka Siyaasadeed ee Suuriya: Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub iyo Isbedellada Dalka

Kala Guurka Siyaasadeed ee Suuriya: Magacaabista Ra’iisul Wasaaraha Cusub iyo Isbedellada Dalka

December 9, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Wariyaha Al-Jazeera ayaa sheegay in Injineer Maxamed Al-Bashiir, oo ah Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Badbaadinta ee Suuriya oo maamuleysay Idlib sanado badan, la filayo in loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Suuriya si uu u hoggaamiyo marxaladda kala guurka.

Arrintan ayaa timid ka dib kulan ay isugu yimaadeen hoggaamiyaha howlaha mucaaradka hubeysan Axmed Al-Sharac, Al-Bashiir, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladda nidaamka Maxamed Al-Jalali, kaasoo lagu magacaabay inuu sii wado hawlaha xukuumadda.

Wa kuma Maxamed Al-Bashiir?

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo magacaabistiisa ayaa ku dhashay gobolka Idlib sanadkii 1983. Wuxuu haystaa shahaadada Injineernimada korontada iyo elektaronigga, oo uu ka qaatay jaamacadda Xalab qeybta isgaarsiinta (2007), iyo shahaadada shareecada iyo xuquuqda oo uu ka qaatay Jaamacadda Idlib (2021). Wuxuu soo noqday Agaasimaha Arrimaha Ururada, ka dibna wuxuu noqday Wasiirka Horumarinta iyo Arrimaha Bini’aadannimada ee Dowladda Badbaadinta ee kacdoonka Idlib sanadkii 2022.

Kulamo lala yeeshay waftiyada diblomaasiyadda

Dhanka kale, shirar xoogan ayaa socda oo u dhexeeya maamulka arrimaha siyaasadda ee mucaaradka iyo waftiyada diblomaasiyadda ajaanibta si looga wada hadlo xaalada amniga iyo siyaasadda Suuriya ka dib markii nidaamka Al-Asad la riday.

Maamulka arrimaha siyaasadda ee Dimishiq ayaa u sheegay Al-Jazeera inay ka shaqeyn doonaan sidii loo abuuri lahaa jawi nabdoon oo lagu soo dhaweeyo dadka Suuriyaanka ah ee dib ugu soo laabanaya dalkooda. Waxay ugu baaqeen Suuriyaanka qaxay inay dalka ku soo noqdaan oo ay ka qeyb qaataan dib-u-dhiska Suuriya.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.