Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Warka Maanta»Jubbaland oo Muqdisho u soo qaaday ciidankii lagu qabtay dagaalkii Raaskambooni

Jubbaland oo Muqdisho u soo qaaday ciidankii lagu qabtay dagaalkii Raaskambooni

December 14, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta laga soo qaaday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo lagu qabtay dagaalkii dhacay Arbacadii lasoo dhaafay, kuwaas oo gacanta u galay maamulka Jubbaland. Tirada ciidamada la qabtay ayaa gaaraysa 83 askari oo isugu jira Militeri, Boolis, iyo Nabad Sugid, kuwaas oo hadda lagu wareejiyey dowladda federaalka.

Masuuliyiin Jubbaland ka tirsan oo ay ku jiraan Wasiirro, guddoomiyaha Kismaayo, iyo saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray Raaskambooni si ay ula wareegaan ciidamada maxaabiista ah. Jubbaland ayaa sheegay inay ka xunyihiin dagaalka dhacay iyo in ciidamada Soomaaliyeed ay isku jeesteen, taas oo keentay inay maxaabiis ahaan u qabtaan wiilal Soomaaliyeed.

Si ciidanka loo soo celiyo, Jubbaland ayaa maanta dalbatay labo diyaaradood oo Muqdisho u daabula maxaabiista. Diyaaradda koowaad ayaa galabta qaaday 33 askari, halka diyaaradda labaad ay qaaday 50 askari, kuwaas oo qaar ka mid ah ay dhaawacyo qabaan. Ciidamadaasi oo dhammaystiran ayaa maanta fiidkii laga soo dejiyey Muqdisho.

Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo warbaahinta kula hadlay goobta ayaa sheegay inuu Kismaayo ka soo baxay fasax la’aan si uu u daryeelo maxaabiista, kuwaas oo uu sheegay in aysan mudnayn in lagu dayaco Raaskambooni. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ciidamada weli ku sugan duurka inay isa soo dhiibaan inta uu jooggo si nabad loogu celiyo Muqdisho.

Dhanka kale, Jubbaland ayaa ku eedaysay dowladda federaalka inay masuul ka tahay dagaalka Raaskambooni ka dhacay, iyagoo ku tilmaamay duullaan lagu qaaday deegaan nabad ah oo ay 2011-kii ka saareen Khawaarijta. Ciidamada dowladda ee laga adkaaday Arbacadii lasoo dhaafay ayaa lagu warramay inay ku sugan yihiin xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo aysan weli caddeyn tallaabada xigta ee dowladda federaalka ay qaadi doonto.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.