Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Warka Maanta»Itoobiya oo ciidamo kale maanta soo gelisay Somalia iyo DF oo cadeysay qorshaheeda

Itoobiya oo ciidamo kale maanta soo gelisay Somalia iyo DF oo cadeysay qorshaheeda

December 6, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo hor leh maanta soo gelisay gudaha Soomaaliya, tobanaan gaadiidka dagaalka ah oo kumanaan askari oo Itoobiyaan ah ay wataan ayaa maanta Soomaaliya ka soo galay dhanka degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Ciidankaan cusub ayaa maanta Soomaaliya soo galay, xili maalmo ka hor uu dhulka Soomaali Galbeed ka dhacay kulan xasaasi ah oo saraakiil Itoobiyaan ah ay la yeesheen xubno ka socday maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland.

Ciidamada Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa inay ku milmaan xiisadda ka taagan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan loolanka siyaasadeed ee dowladda federaalka kala dhexeeya Axmed Madoobe, waxaana suurtagal ah inay la saftaan oo dowlada ka difaacaan Axmed Madoobe.

Ma jiro axdi ay dhowreyso Itoobiya, maadaama dowladda Soomaaliya ay ka saartay howlgalka cusub ee bisha soo socota ka bilaabanaya Soomaaliya, kaasi oo bedeli doona ATMIS, waxaana Itoobiya laga doonayaa in maalmo gudahood ay ciidamada ugala baxdo gudaha Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhaqan-gelisay go’aankii ay ka qaadatay Itoobiya, waxaana ciidamada Itoobiya si rasmi ah looga saaray howlgalka cusub AUSSOM oo bilaabanaya horaanta sanadka soo socda ee 2025-ka.

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u sheegay in sababo la xiriira xiisadda u dhexeysa labada dal ee ka dhalatay heshiiskii badda ee Abiy Axmed uu la galay Muuse Biixi looga reebay howlgalka cusub ciidamada Itoobiya, waxaana guul dareystay galaangal kasta oo Itoobiya ay sameysay, si howlgalkaas aysan uga harin.

Tallaabadii ay shalay qaaday dowladda federaalka ayaa muujineyso inay dhaqan-gelisay go’aankeeda, kadib markii Itoobiya laga reebay shir Arbacadii lagu soo xiray magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Soomaaliya iyo dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ee ka qeyb qaadanaya howlgalka cusub.

Ciidanka ay Itoobiya maanta soo gelisay Soomaaliya waxay abuurayaan walaac cusub, horay ciidamo badan ayaa uga joogay Soomaaliya, kuwaas oo qaar ay ka tirsanaayeen ATMIS, qaarna ay sharci la’aan ku joogeen dalkeena.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
zakicabdi026@gmail.com
  • Website

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.