Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu falanqeeyay iskaashiga ka dhaxeeya Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo hay’adaha USAID iyo FCDO.
Kulanka oo diiradda lagu saarayay horumarinta mudnaanta qaranka ee Soomaaliya, ayaa isugu keenay madaxda Wasaaradda, wakiillo ka socda USAID, FCDO, iyo hay’adaha la-hawl gala. Intii uu socday kulanku, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay kaalinta taageerada USAID iyo FCDO ee barnaamijyada ay Dowladda Federaalka u aragto kuwo mudnaan leh.
Sidoo kale, madasha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira mashaariicda socda iyo kuwa la qorsheynayo in dhawaan la hirgeliyo. Arrimaha muhiimka ah ee laga dooday waxaa ka mid ahaa caqabadaha ka jira isku-xirka mashaariicda iyo adeegsiga kheyraadka si waxtar leh.
Waxyaabaha la isla gartay in xal loo helo waxaa ka mid ah:
Mashaariic isku mid ah oo laga fuliyo deegaano isku dhow: Tani waxay keentaa in kheyraad badan lagu bixiyo meelaha la midka ah, halka baahiyaha dhabta ah ee deegaanada kale aan laga jawaabin.
Deegaano nugul oo aan helin adeegyo ku filan: Sababo la xiriira isku-xir la’aan ayaa loo sababeeyay adeegyada gaabiska ah ee qaar ka mid ah deegaanada dalka.
Kulanka ayaa lagu heshiiyay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-xirka hay’adaha kala duwan si loo hubiyo in taageerada la bixiyo ay si siman u gaarto dhammaan dadka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa ugu dambeyn ku boorriyay dhinacyada ka qaybgalay inay mideeyaan dadaalladooda si loo xaqiijiyo horumar waara oo ku saleysan mudnaanta qaranka.