Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Ciyaaro»Inter oo u awood sheegatay Lazio, iydoo ku xasuuqday 6-0

Inter oo u awood sheegatay Lazio, iydoo ku xasuuqday 6-0

December 17, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Kooxda Inter Milan ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Lazio kadib markii ay ku xasuuqeen 6-0 Isniintii, taasoo ahayd gabagabada wareegga 16-aad ee horyaalka Serie A ee Talyaaniga.

Inter ayaa si buuxda u maamushay ciyaarta, iyadoo xiddiga reer Turki Hakan Calhanoglu uu furay goolasha daqiiqaddii 41 isagoo rikoodhe ku dhaliyay goolka koowaad. Ka hor dhammaadka qeybta hore, daqiiqaddii 45, wuxuu Federico Dimarco dhaliyay goolka labaad, sidaasna waxaa ku dhammaaday qeybtii hore iyadoo Inter ay ku hoggaamineyso 2-0.

Markii la isku soo laabtay, Inter ayaa sii waday maamulkii iyo weerarkii xoogganaa. Daqiiqaddii 51, Nicolo Barella ayaa dhaliyay goolka saddexaad, waxaana laba daqiiqo kadib oo ahayd 53, goolka afraad ku daray xiddiga reer Holland Denzel Dumfries.

Inter kama harin cadaadiska, waxaana daqiiqaddii 77 dhaliyay goolka shanaad Carlos Augusto oo ah xiddiga reer Brazil. Markii ciyaarta ay gashay daqiiqadihii ugu dambeeyay, ayuu weeraryahanka reer France Marcus Thuram dhaliyay goolka lixaad daqiiqaddii 90, taasoo ciyaarta ka dhigtay mid si buuxda Inter ugu awood sheegatay Lazio.

Guushaan ayaa Inter ka caawisay inay sare u qaaddo dhibcaheeda oo gaarsiiso 34 dhibcood, taasoo ku ridday kaalinta saddexaad ee kala sarreynta horyaalka Serie A. Dhanka kale, kooxda Lazio ayaa ku sugnaatay kaalinta shanaad iyadoo leh 31 dhibcood.

Guushaan ayaa Inter ka saaciday inay gaarto 34 dhibcood, iyagoo ku jira kaalinta saddexaad, oo 3 dhibcood kaliya ka hooseeya kooxda hogaanka haysa ee Atalanta oo leh 37 dhibcood. Halka Inter ay wali u harsantahay hal kulan oo baaqi u ah oo ay la ciyaari doonto Fiorentina

 

 

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.