Wasiir ku xigeenka, ahna ku simaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya, oo ay hirgelisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS).
Madashan ayaa ah goob muhiim ah oo ay ku kulmeen mas’uuliyiin ka kala socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Warbaahinta, Bulshada Rayidka ah, iyo saaxiibada caalamiga ah, iyadoo diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhinaca warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha.
Ka qeybgalayaasha madasha, oo isugu jira masuuliyiin sare, khubarro, aqoonyahanno, iyo qeybaha bulshada, ayaa ka doodaya kaalinta wax ku oolka ah ee warfaafinta, hagaajinta xiriirka dadweynaha, caqabadaha jira, iyo fursadaha horumarineed ee la heli karo. Waxaa sidoo kale la falanqeyn doonaa sidii loo dhisi lahaa hannaan wada shaqeyn oo ka dhex dhasha dhammaan dhinacyada ay arrintu khuseyso.
Madashan ayaa la filayaa in ay ka soo baxaan talooyin iyo istaraatiijiyooyin lagu horumarinayo xiriirka warbaahinta iyo sidii adeegga warfaafinta loo gaarsiin lahaa heer ka tarjumaya baahiyaha bulshada.