Warbixin uu sameeyay Wall Street Journal iyo cilmi-baarisyo kale ayaa muujinaya halis weyn oo ku soo wajahan lacagaha dhijitaalka ah (cryptocurrency), sida Bitcoin, sababo la xiriira horumarka degdegga ah ee tiknoolajiyada kumbuyuutarada awoodda sare leh ee loo yaqaano quantum computing. Cilmibaarayaasha ayaa tilmaamaya in kumbuyuutarada quantum-ka ah, oo aad uga awood badan kuwa caadiga ah, ay xallin karaan dhibaatooyin mucaqad ah oo aan lagu xallin karin kumbuyuutarada caadiga ah. Waxay awood u leeyihiin inay si fudud u jebiyaan hababka sirta ah (encryption) ee lagu ilaaliyo macluumaadka lacagaha dhijitaalka ah.
Quantum computing-ka waxaa la filayaa inuu si weyn u hormari doono tobanka sano ee soo socda, isagoo xal u helaya dhibaatooyin cilmiyaysan oo adag. Si kastaba ha ahaatee, khubarada ayaa ka digaya in teknolojiyadan cusub ay sidoo kale ka faa’iideysan doonaan kooxaha jabsada akoonada (hackers), kuwaas oo awood u heli kara inay jebiyaan shafrooyinka adag ee lacagaha cryptocurrency, taas oo khatar gelin karta suuqyada maaliyadeed.
Warbixin ay soo saartay Xarunta Hudson sanadkii 2022 ayaa ku tilmaantay in khasaaraha ay keeni doonaan hackers-ka adeegsanaya quantum computing uu gaari karo $3 trillion ama ka badan. Tani waxay sababi kartaa hoos u dhac weyn oo ku yimaada dhaqaalaha caalamka, iyadoo kalsoonida lagu qabo nidaamka lacagaha dhijitaalka ah hoos u dhici doonto.
Si looga hortago khatarta quantum computing, waxaa muhiim ah in la sameeyo habab sirdoon oo cusub oo la jaan qaadi kara awooda tiknoolajiyada cusub. Horumarinta shafrooyinka aan jebin karin ee loo yaqaan quantum-resistant cryptography ayaa loo arkaa xal muhiim ah si loo badbaadiyo mustaqbalka lacagaha cryptocurrency.
Warbixintani waxay tilmaamaysaa in kacaanka tiknoolajiyada uu keeni karo horumar iyo halis isku mar, taas oo u baahan in si taxadar leh looga shaqeeyo badbaadinta nidaamka maaliyadeed ee dhijitaalka ah.