Kismaayo (Jubaland24) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku hawlan diyaar-garowgii ugu dambeeyay ee lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, oo la filayo in uu dhawaan soo gaaro caasimadda Muqdisho. Qaban-qaabo ballaaran ayaa ka socota magaalada si loo muujiyo muhiimadda iyo heerka booqashadan.
Wararka ayaa sheegaya in wafdi horudhac ah oo ka socda Madaxweyne Erdogan uu horey u yimid Muqdisho, kuwaas oo wada shaqeyn dhow la leh guddiga soo dhaweynta ee dowladda. Wafdiga ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka iyo howlwadeennada safaaradda Turkiga ee Soomaaliya si loo xaqiijiyo guusha booqashada.
Goobaha uu booqan doono Erdogan waxaa lagu diyaarinayaa astaamo soo dhaweyn ah, oo ay ka mid yihiin calanka Turkiga, sawirrada Madaxweynaha, iyo waxyaabo kale oo muujinaya saaxiibtinimada labada dal.
Inta uu ku sugan yahay Soomaaliya, Madaxweyne Erdogan ayaa la kulmi doona Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ay ka wada hadli doonaan xiriirka labada dal iyo qodobo muhiim ah oo ku saabsan iskaashiga Ankara iyo Muqdisho.
Erdogan ayaa safarkan kadib sii mari doona magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, isagoo diiradda saaraya arrimaha gobolka, sida uu hore ugu sheegay bartiisa X (Twitter hore).
Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ayaa soo jireen ah, waxaana Ankara si joogto ah uga taageertaa Muqdisho dhinacyada bani’aadanimada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Booqashadan ayaa dib usoo nooleyn doonta taariikhda Erdogan ee Soomaaliya, maadaama uu markii ugu horreysay dalka yimid sanadkii 2011 xilli abaari ka jirtay. Safarka Erdogan ayaa markale muujinaya saaxiibtinimada iyo wadajirka labada dal ee muhiimka ah.