Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Warbixino»Doorka Soomaaliya ee Hogaaminta Deyn Cafinta iyo Dib-u-habeynta Dhaqaalaha Afrika

Doorka Soomaaliya ee Hogaaminta Deyn Cafinta iyo Dib-u-habeynta Dhaqaalaha Afrika

December 10, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta ka qeyb galay dood heerkeedu sareeyo oo lagu qabtay magaalada Casablanca, ee Boqortooyada Morocco, halkaas oo uu ka socdo Shirka Sanadlaha ah ee Maaliyadda Afrika (Africa Financial Summit).

Dooddan oo diiradda lagu saaray arrimaha deymaha iyo sidii dalalka gobolka u heli lahaayeen maalgalin waara ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro Maaliyadeed oo ka kala socday dalalka Afrika iyo aqoonyahanno ku xeel dheer dhaqaalaha. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa khudbadiisa ku soo bandhigay waayo-aragnimada Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dariiqii ay martay hanaanka deyn cafinta ee HIPC, iyadoo uu sheegay in ay Soomaaliya hormuud u noqotay hannaankaas.

Mudane Biixi ayaa sharaxaad ka bixiyay dedaalladii Dowladda Soomaaliya ay u sameysay sidii ay uga gudbi lahayd dhammaan shuruudihii deyn cafinta, isagoo xusay in wasaaradda ay mudnaanta siiyay:

Sare u qaadidda dakhliga gudaha.

Dib-u-habeynta hey’adaha maaliyadda.

Hirgelinta nidaam hufan iyo maamul-wanaag maaliyadeed.

Waxaa kale oo Wasiirku caddeeyay sida Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in ay sii xoojiso nidaamyada dhaqaale ee dalka si ay u noqoto tusaale loogu daydo dalalka kale ee Afrikaanka ah ee la daalaa dhacaya deymaha culus.

Shirka ayaa ah mid fursad weyn u siinaya dalalka Afrika in ay isdhaafsadaan waayo-aragnimada iyo xalalka waara ee lagu xoojin karo koboca dhaqaalaha iyo maalgashiga gobolka.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.