Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Warka Maanta»Dhammaadka Nidaamka Bishaar Al-Asad: Mucaaradka Oo Gacanta Ku Dhigay Dimishiq

Dhammaadka Nidaamka Bishaar Al-Asad: Mucaaradka Oo Gacanta Ku Dhigay Dimishiq

December 8, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Waxaa dhacday dhacdooyin isdaba-joog ah oo xiiso leh aroornimadii maanta oo Axad ah, iyadoo mucaaradka hubeysan ee Suuriya ay ku dhawaaqeen inay bilaabeen inay galaan caasimadda Dimishiq, halka wakaaladda wararka ee Reuters ay soo xigatay mas’uuliyiin sar-sare oo Suuriyaan ah oo sheegay in madaxweyne Bashar Al-Asad uu ka baxay Dimishiq kuna socdaalay meel aan la shaacin.

Reuters waxay sheegtay in xogteeda ay ka heshay labo sarkaal oo waaweyn oo ka tirsan ciidamada Suuriya oo xaqiijiyey inuu ka dhoofay diyaarad ku sii jeeda meel aan la shaacin.

Habeenkii Sabtida ilaa Axadda ayaa bilaabatay dhacdo xiiso leh, iyadoo mucaaradku ku guuleysteen inay qabsadaan magaalada Homs oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Suuriya, taasoo ku biirtay magaalooyinka Aleppo iyo Hama oo mucaaradku horey u qabsadeen, iyadoo sidoo kale ay gacanta ku hayaan guud ahaan gobolka Idlib.

Mucaaradku waxay xaqiijiyeen inay ku guuleysteen inay xoreeyaan 4 magaalo gudahooda 24 saacadood, oo kala ah Daraa, Al-Quneitra, Al-Suwayda iyo Homs, kahor inta aysan ku darin magaalada Qusayr oo ku taalla duleedka Homs, iyagoo sheegay in indhahoodu ay ku sii jeedaan caasimadda Dimishiq.

Markii waagu beryey Axaddii maanta, mucaaradku waxay sheegeen inay weerareen xabsiga Saydnaya oo ku yaalla duleedka Dimishiq, iyagoo ku guuleystay inay xoreeyaan maxaabiistii, taasoo ay ku sheegeen inay soo afjareen “dagaalkii dulmiga” ee xabsigaas, halka wararku ay ku soo qulqulayeen warbaahinta Maraykanka oo ka soo xiganaysay “ilo xog ogaal ah” in difaacyadii ciidamada nidaamka Suuriya ay si buuxda u burbureen. Shabakadda CNN ee Maraykanka ayaa ka soo xigatay ilo xog ogaal ah in si milatari ah loo oran karo in Dimishiq ay hoos u dhacday.

Wax yar kadib, mucaaradka hubeysan ee Suuriya waxay ku dhawaaqeen inay qabsadeen dhismaha idaacadda iyo telefishinka Suuriya.

Dhinaca kale, wargeyska New York Times ee Maraykanka ayaa ka soo xigtay mas’uuliyiin ka tirsan ilaalada kacaanka Iran inay xaqiijiyeen in mucaaradka hubeysan ay galeen caasimadda Dimishiq, islamarkaana ciidamada nidaamka ay dib uga baxayaan.

Dhacdooyinka ayaa si isdaba-joog ah u socday, iyadoo ilo maxalli ah ay sheegeen in dibadbaxayaal ay soo gaareen fagaaraha Ummayad ee bartamaha caasimadda Dimishiq, halka bogagga wararka Suuriya ay xaqiijiyeen in dhammaan duulimaadyadii garoonka diyaaradaha ee Dimishiq la hakiyey lagana saaray shaqaalaha.

Saacadda markii ay ahayd lixda subaxnimo waqtiga Makka, mucaaradka hubeysan ee Suuriya waxay ku dhawaaqeen in “shacabka xorta ah ee Suuriya ay rideen Bashar Al-Asad.”

Isla markiiba, ilo ka tirsan mucaaradka hubeysan ayaa u xaqiijiyey Al-Jazeera in saraakiil iyo askar ka tirsan nidaamka ay ka baxeen xarunta wasaaradda difaaca iyo taliska guud ee Dimishiq.

Wakaaladda Reuters ayaa sidoo kale ka soo xigatay ilo ciidan oo Suuriyaan ah in taliska ciidamada Suuriya uu saraakiisha ku wargeliyey in nidaamku dhacay.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.