Dunidu waxay ku jirtaa xilli xasaasi ah oo taariikhda aan wax badan oo la mid ah looga baran. Hoggaaminta reer galbeedka, oo muddo dheer ka talinaysay siyaasadda, dhaqaalaha, iyo farsamada caalamka, ayaa hadda wajahaysa caqabado waaweyn oo kasoo ifbaxaya dunida soo koraysa. Kooxda BRICS (Brazil, Russia, India, China, iyo South Africa) ayaa si tartiib ah usoo baxay, iyagoo keenaya isbeddel weyn oo loolan ku ah nidaamkii caalamiga ahaa ee dhaqaalaha iyo siyaasadda loo yaqaanay.
Hoggaaminta Reer Galbeedka iyo Hoos-u-dhaca Saameyntooda
Mareykanka iyo Yurubta Galbeed waxay tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka ahayd awoodaha ugu weyn ee hoggaaminayay dunida. Dollarka Mareykanka wuxuu ahaa lacagta caalamiga ah ee ugu saamaynta badan, halka Yurub ay ahayd isha farsamada casriga ah iyo dhaqaalaha xasilloon ee adduunka. Si kastaba ha ahaatee, dhowr arrimood ayaa hoos u dhigay saamaynta reer galbeedka:
1. Dhibaatada Deynta: Mareykanka iyo qaar ka mid ah wadamada Yurub waxay ku jiraan xaalado dhaqaale oo adag oo ay sabab u tahay deymaha badan ee dalalkoodu qaadeen. Kororka deynta waxa uu khatar ku yahay xasilloonida dhaqaalaha dunida.
2. Caqabadaha Siyaasadeed: Dhibaatooyinka gudaha sida isku-dhacyada siyaasadeed, kororka qowmiyadaha xagjirka ah, iyo hoos-u-dhaca kalsoonida bulshada ee dowladaha ayaa ka dhigaya inay adag tahay in reer galbeedka sii wataan hoggaamintooda caalamka.
3. Hoos-u-dhaca Awoodda Milateri: Inkastoo Mareykanka weli yahay awoodda ugu weyn ee milateri, guuldarrooyinka siyaasadeed ee Bariga Dhexe iyo loolanka cusub ee Aasiya waxay ka dhigayaan awooddooda mid uu jahwareer soo food saaray.
Soo Ifbixidda BRICS: Awood Cusub oo Soo Koraysa
BRICS waxay u muuqataa inay tahay xulufada ugu weyn ee loolan ku noqota reer galbeedka. Wadamadaas, oo ay ku nool yihiin in ka badan kala bar dadka dunida, waxay leeyihiin dhaqaalaha ugu kobaca badan caalamka.
1. Kororka Dhaqaalaha: China iyo India ayaa noqday labo ka mid ah dhaqaalaha ugu waaweyn adduunka, halka Brazil iyo South Africa ay hormuud ka yihiin dhaqaalaha Latin America iyo Afrika.
2. Nidaam Lacageed oo Cusub: BRICS waxay ku tala jiraan inay abuuraan nidaam lacag oo ka madax bannaan dollarka Mareykanka. Haddii tani ay hirgasho, waxay hoos u dhigi kartaa awoodda dollarka oo ahayd udub-dhexaadka dhaqaalaha reer galbeedka.
3. Xulafaysiga Siyaasadeed: BRICS waxay sidoo kale isku dayayaan inay saameyn ku yeeshaan hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo IMF, iyagoo doonaya inay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin maamulka caalamka.
Saameynta Isbeddelka Caalamiga ah
Dhaqaalaha iyo siyaasadda dunida ee hoos u dhigaya hoggaamintii reer galbeedka waxay yeelan kartaa saameyn badan:
1. Dhaqaale Isbeddelaya: Dalalka soo koraya waxay noqon doonaan halka ugu weyn ee maalgashiga, halka reer galbeedku uu wajihi karo tartan adag oo xagga ganacsiga iyo dhaqaalaha ah.
2. Kala-guurka Siyaasadda Caalamiga ah: Haddii BRICS ay sii xoojiyaan saameyntooda, waxaa dhici karta in nidaamka siyaasadeed ee hadda jira uu u wareego mid awoodda loo wada siman yahay.
3. Loolanka Awoodaha Waaweyn: Mareykanka iyo reer galbeedku waxay isku dayi doonaan inay ilaashadaan saameyntooda, taasoo horseedi karta isqabqabsi siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo caalami ah.
Gunaanad
Maanta waxaa muuqda isbeddel xooggan oo ka socda siyaasadda iyo dhaqaalaha caalamka. Hoggaaminta reer galbeedka ayaa sii daciifaysa, halka BRICS ay si xoog leh usoo baxayaan. Inkastoo aysan weli jirin hoggaan caalami ah oo si buuxda ula wareegay kaalinta reer galbeedka, waxaa la dareemayaa in mustaqbalka dunidu uu noqon doono mid ay awoodaha waaweyn si siman u qeybsadaan.
Su’aasha muhiimka ahi waxay tahay: BRICS ma noqon doonaan kuwa jebiya hogaamintii hore mise waxay ka dhaxli doonaan loolan kale oo aan dhamaad lahayn?
W/Q: Ismaaciil Gaarane