Dowladda ku-meel-gaarka ah ee Suuriya ayaa ka codsatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu tallaabo qaado si Israa’iil loogu qasbo inay si degdeg ah u joojiso weerarada ay ku hayso dhulka Suuriya, isla markaana uga baxdo meelaha ay ku soo durugtay, taas oo xadgudub ku ah heshiiskii kala fogaanshaha ee la galay sanadkii 1974.
Qoraallo isku mid ah oo loo diray Golaha Ammaanka iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, oo ay heshay wakaaladda wararka ee Associated Press (AP) shalay oo Jimco ahayd, ayaa Safiirka Suuriya u fadhiya Qaramada Midoobay, Qusay Ad-Dhahhak, ku sheegay inuu ficilkan u qaadayo iyadoo la raacayo tilmaamaha xukuumadda cusub ee Dimishiq si ay u gudbiso codsiyadan.
Ad-Dhahhak ayaa qoray: “Xilli Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya ay ku jirto marxalad cusub oo taariikhdeeda ah, oo dadkeedu ay rajaynayaan inay dhistaan dowlad xorriyad, sinnaansho, iyo ku dhaqanka sharciga ah, isla markaana ay gaaraan riyooyinkooda ku aaddan barwaaqo iyo xasillooni, ayaa ciidanka gumeysiga Israa’iil waxay ku soo durgeen dhul dheeraad ah oo Suuriya ah, sida Jabal Al-Sheikh iyo Gobolka Quneitra.”
AP ayaa sheegtay in tani u muuqato fariintii ugu horreysay ee loo diro Qaramada Midoobay tan iyo intii ay talada la wareegtay dowladda ku-meel-gaarka ah ee cusub ee Suuriya.
Wakaaladda ayaa xustay in labadan qoraal la diray 9-kii Diseembar, kaddib markii kacdoonku uu afgambiyay madaxweynihii xilka laga qaaday, Bashar Al-Assad, isla markaana uu dhammaaday maamulkii qoyskiisa oo Suuriya ka jiray in ka badan 54 sano.