Enzo Maresca ayaa sheegay in Chelsea ay ka horreeyaan filashadiisa – balse ma filayo in kooxaha ay xafiiltamaan ee Premier League ay hoos u dhacaan tartanka horyaalka “sida Marc Cucurella”.
Blues-ka ayaa kasoo kabsaday laba gool oo looga hormaray, iyaga oo 4-3 uga adkaaday Tottenham Axaddii, labadii gool ee hore ee Spurs-na waxay yimaadeen ka dib markii Cucurella uu si lama filaan ah dhulka ugu dhacay.
Maresca wuxuu noqday tababaraha Chelsea xagaagii kadib markii uu ka dhaxlay Mauricio Pochettino, oo kooxda London ku hogaamiyay kaalinta lixaad xilli ciyaareedkii hore.
Hadda waxay kaalinta labaad kaga jiraan horyaalka, afar dhibcood oo qura ayay ka dambeeyaan hogaamiyaasha Liverpool, kuwaas oo ciyaar baaqatay ay u harsan tahay ka dib markii kulankoodii Sabtidii ee Everton dib loo dhigay sababo la xiriira Duufaanta Darragh.
“Waxaan ka horreynaa filashadeyda,” ayuu yiri Maresca kadib guushii ay kasoo kabteen.
“Dhinac kasta oo ah sida aan kubadda ugu ciyaarno, difaacashada iyo natiijooyinka.”
Tababaraha Talyaaniga ah, si kastaba ha ahaatee, ma rumeysna in Chelsea ay diyaar u tahay inay ku tartanto horyaalka weli.
“Arsenal, [Manchester] City iyo Liverpool malaha ma dhacaan – sida uu Cucurella ku dhacay,” ayuu ku yiri hadal maad ah oo ku wajahnaa nasiib xumada daafaciisa reer Spain, kaas oo kabaha iska bedelay ka dib goolkii labaad ee Tottenham.
“Si dhab ah, ma diyaarinnin. Waxaan ka fog nahay kooxahaas, laakiin waxaan diiradda saaraynaa horumarinta maalinba maalinta ka dambeysa.”
“Qorshaha ama fikraddu waa in aan ciyaartoydu hoos u dhicin. Waxay ogyihiin haddii ay hoos u dhacaan ciyaaryahan kale oo sugaya booskiisa.”