Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Warbixino»Burburka Nidaamkii Assad: Suuriya oo Bog Cusub u Furtay

Burburka Nidaamkii Assad: Suuriya oo Bog Cusub u Furtay

December 9, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Mucaaradka Suuriya ayaa xukunka ka tuuray nidaamka Bashar Al-Assad, iyagoo gudaha u galay caasimadda Dimishiq saacadihii hore ee Axaddii, kuna guuleystay inay si buuxda gacanta ugu dhigaan kaddib dagaallo kooban. Waxay sidoo kale maalmihii hore la wareegeen magaalada Xumus, iyagoo ka sii gudbayey dhanka Laadiqiya halkaasoo ay ku qabsadeen magaalada Jableh, iyo weliba Manbij oo ku taalla gobolka Aleppo, taasoo horey ugu jirtay gacanta xoogagga Kurdish-ka.

Dhanka kale, Ruushka ayaa Axaddii qirtay in Assad iyo qoyskiisa ay hadda ku sugan yihiin caasimadda Moscow, sida laga soo xigtay telefishinka rasmiga ah ee Ruushka oo sheegay in loo fidiyay magangelyo bini’aadannimo dartii.

Israel ayaa ka faa’iidaysatay xaalada qasan ee Suuriya iyadoo Axaddii duqaysay 100 goobood oo ku yaalla gudaha dalka Suuriya, sidoo kalena qabsatay deegaanka Jabal Sheikh oo ku dhow Buuraha jolaan. Kanaal Israeli ah ayaa sheegay in Israel ay sii wadi doonto bartilmaameedsiga xarumaha milateri ee Suuriya si looga hortago inay gacanta u galaan mucaaradka.

Dhanka siyaasadda, dalal dhowr ah oo ay ka mid yihiin Britain iyo Canada ayaa soo dhoweeyay in nidaamka Assad uu dhaco, waxaana sidoo kale soo dhoweeyay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres iyo guddiga fulinta Midowga Yurub. Mareykanka ayaa ku baaqay in Assad lala xisaabtamo, iyagoo sheegay inay la xiriirayaan mucaaradka si loo hubiyo badqabka ciidamada Mareykanka ee ku sugan Suuriya iyo in laga hortago in xaaladda jirta ay ka faa’iidaystaan kooxda Daacish.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.