Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dabab xooggan oo dhowaan ka kacay qaybo badan oo magaalada Los Angeles ee Mareykanka ah. Dabkan ayaa baabi’iyay ugu yaraan 10,000 oo dhismo ah, waxaana ka barakacay in ka badan 130,000 qof oo ku qasbanaaday inay guryahooda ka cararaan. Khasaaraha horudhaca ah ee dabkan ayaa lagu qiyaasay ilaa 50 bilyan oo dollar.
Shan dab oo waaweyn oo isku xiran ayaa sii faafayay shalay Khamiis, iyagoo burburiyay guryo iyo gaadiid badan, waxaana ku khasbanaaday in tobanaan kun oo qof ay ka barakacaan. Labo ka mid ah dababka ugu waaweyn oo ka socda magaalada ayaa weli ahaa kuwo aan gacanta lagu hayn sh