Boqolaal muwaadiniin Koonfur Kuuriya ah ayaa maanta oo Axad ah isugu soo baxay agagaarka hoyga madaxweynihii xilka laga qaaday, Yun Suk Yeol, iyagoo ku mudaharaaday si weyn, kuna baaqay in xilka laga qaado lana xiro, xilli xaalad kacsanaan siyaasadeed ay ka jirto dalka. Mudahaaradayaasha ayaa isugu soo baxay, inkastoo ay jiraan xaalado baraf daran oo ku dhuftay caasimadda Seoul, halkaas oo heerkulka uu aad u hooseeyay.
Mudahaaradyadani waxay dhacayaan waqti xasaasi ah, iyadoo ay Isniinta ku egyihiin wakhtiga ku xusan amar qabasho oo loo soo saaray Yun, taasoo cadaadis weyn saaraysa maamulka si ay u fuliyaan amarka kahor inta uusan dhicin wakhtiga kama dambeysta ah.
Jimcihii, ayaa maamulka Koonfur Kuuriya isku dayay inay fuliyaan amar qabasho oo ka dhan ah Yun, iyagoo ay ka qayb qaateen tobaneeyo baarayaal ah oo ka socda hay’adda la-dagaallanka musuqmaasuqa iyo booliiska, balse isku daygaas ayaa fashilmay kadib markii iska horimaad socday in ka badan 5 saacadood uu dhexmaray ciidanka ilaalinta madaxweynaha iyo kooxdii qabashada.
Axadda maanta ah, waxaa la arkay shaqaale ka tirsan ciidanka ilaalinta oo ku rakibaya silig bir ah albaabka hore ee hoyga iyo buuraleyda ku dhow guriga, taasoo qaar ka mid ah dadka ay u arkaan inay tahay diyaargarow loogu jiro isku day cusub oo lagu qabanayo kahor dhammaadka mudada.
Maxkamad ku taalla Seoul ayaa Talaadadii soo saartay laba amar qabasho oo ka dhan ah Yun, mid lagu soo qabanayo isaga iyo mid lagu baarayo hoygiisa, kadib markii uu diiday inuu ka soo muuqdo baaritaanka isla markaana carqaladeeyay baaritaanno loogu talagalay in lagu baadho kiisaska musuqmaasuq iyo suuragalnimada ku lug lahaanshaha xukun milateri lagu dhawaaqay. Si kastaba, fulinta amarrada qabashada ayaa weli adag maadaama Yun uu weli ku sugan yahay hoygiisa rasmiga ah oo aad loo ilaaliyo.