Author: zakicabdi026@gmail.com
Xabsiga Sidnayaa ee ku yaalla Suuriya waxa uu caan ku yahay inuu yahay mid kamid ah meelaha ugu xun uguna naxdinta badan ee xadgudubyada bini’aadamka ka dhaceen. Nidaamkii hore ee Suuriya waxa uu ahaa nidaam cabsi gelin iyo ciqaab ku saleysan, kaas oo ka baxsan xuquuqda aadanaha iyo damiirka bani’aadamka. Qof kasta oo ku dhiirrada inuu ka hor yimaado nidaamka, dhiirrigeliyo kacdoon, ama xitaa ka qaybqaato bannaanbax, waxa uu wajihi jiray ciqaab iyo tacaddi aan damiir lahayn. Xabsiga Sidnayaa ayaa hay’adaha xuquuqul-insaanku ugu magac dareen “Kawaanka Bini’aadamka.” Waxyaabaha ka dhacay gudaha xabsigan waa kuwo xitaa shaydaanku isaga bari yeelay. Xabsigan…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), ayaa maanta ku dhawaaqay go’aanno culus oo ka dhan ah qaar ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka ee lagu eedeeyay inay carqaladeeyeen habsami u socodka shaqooyinka Golaha. Go’aannada la soo saaray Tallaabooyinkan ayaa loogu talagalay in lagu adkeeyo nidaamka iyo xeerarka anshaxa ee Golaha Shacabka, si loo hubiyo in shaqooyinka Golaha u socdaan si habsami leh, iyadoo la ilaalinayo nidaamka sharciyadeed iyo maamulka saxda ah. Go’aanka Guddoomiyaha ayaa ku saleysan warbixinnada ka soo baxay guddiyada anshaxa, daryeelka, iyo ilaalinta xeerarka Golaha Shacabka, kuwaas oo cadeeyay in xildhibaannada qaarkood ay ka…
Kadib markii mucaaradka Suuriya ay si buuxda ula wareegeen magaalada Dimishiq, su’aasha ugu weyn ee bulshada ka dhex guuxeysa ayaa aheyd:Xaguu u baxsaday Bishaar Al-Asad, madaxweynihii awoodda lagaga qaaday dalka suuriya? Warbixin ay faafisay mareegta Flightradar, oo ku takhasustay dabagalka duulimaadyada, ayaa sheegtay in diyaarad ka duushay caasimadda Dimishiq ka hor intaan mucaaradku soo gaarin caasimadda. Diyaaraddan, oo la tuhunsan yahay inuu saarnaa Bishaar Al-Asad, ayaa markii hore u jihaysatay dhanka xeebaha, halkaas oo ay deggan yihiin kooxaha Calawiyiinta ee uu kasoo jeedo. Si kastaba ha ahaatee, diyaaraddu waxay si lama filaan ah u beddeshay jihadii ay ku socotay, waxaana…
Waxaa jiray waqti dad badan ay ka cabsadeen lacagaha dhijitaalka ah, iyadoo loo arkayay in ay yihiin halis iyo khatar maaliyadeed. Laakiin markii Bitcoin uu gaaray qiimaha $100,000, bulsho badan ayaa hal mar baraarugtay. Waxaa la ogaaday in lacagaha dhijitaalka ah ay yihiin xaqiiqo maaliyadeed oo awood badan. Tobanaan kun oo qof ayaa noqday milyineero daqiiqado gudahood, iyagoo ka faa’iidaystay sare u kaca qiimaha lacagahan. Haddii aad ka qoomameysay inaad maalgashan weydo shaley, maanta weli waxaad haysataa fursad aad ku soo rogaal celin karto. Waa kuwan shan coin oo aad maalgashan karto maanta, kuwaas oo mustaqbalka dhaw kaa dhigi kara…
Mogadishu, Somalia – The Somali Federal Parliament has officially approved the national budget for 2025, marking a significant milestone in the government’s efforts to stabilize and develop the country. The $1.2 billion budget was presented by the Ministry of Finance and passed with overwhelming support from lawmakers, who described it as a critical framework for addressing Somalia’s pressing challenges. The newly approved budget prioritizes key sectors, including security, education, healthcare, and infrastructure development. Notably, the Somali National Army (SNA) has received an increased allocation, reflecting the government’s commitment to enhancing security amid ongoing operations against Al-Shabaab militants. Prime Minister Hamza…
Dowladda Itoobiya ayaa ciidamo hor leh maanta soo gelisay gudaha Soomaaliya, tobanaan gaadiidka dagaalka ah oo kumanaan askari oo Itoobiyaan ah ay wataan ayaa maanta Soomaaliya ka soo galay dhanka degmada Doolow ee gobolka Gedo. Ciidankaan cusub ayaa maanta Soomaaliya soo galay, xili maalmo ka hor uu dhulka Soomaali Galbeed ka dhacay kulan xasaasi ah oo saraakiil Itoobiyaan ah ay la yeesheen xubno ka socday maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland. Ciidamada Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa inay ku milmaan xiisadda ka taagan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan loolanka siyaasadeed ee dowladda federaalka kala dhexeeya Axmed Madoobe, waxaana suurtagal ah inay la…
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa ku wargeliyay Xildhibaanadda Golaha Shacabka in si rasmi ah loo xiray kalfadhigii shanaad ee Golaha Shacabka. Xildhibaannada labada Aqal oo fasaxooda rasmiga ahaa bishii hore , ayaa shaqada sii watay bil dheeraad ah kaddib markii uu Madaxweynaha ka codsatay, waxa ayna xildhibaannada bishaasi ansixiyeen xeerarka iyo guddiga doorashada ee dalka.
Qatar ayaa dib u billowday doorkeeda dhex-dhexaadinta ee dadaalka lagu doonayo in xabad-joojin lagu dhex dhigo Israel iyo Xamaas ka dib markii muddo kooban ay hakisay, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen wakaalada wararka ee AFP Khamiistii. Ilo-wareedka oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in Qatar, oo bishii hore hakisay dhex-dhexaadintii xabad joojinta Gaza, ay hadda “ku soo laabatay dhex-dhexaadinta”, isaga aan wax faahfaahin ah ka bixin shirarkii ugu dambeeyay ee ay sheegeen mas’uuliyiinta. Qatar ayaa hakisay dhex-dhexaadinta horraantii November, ayada oo sheegtay in tallaabadani ay u qaadday sababo ay ku sheegtay niyad jabka ka…
Kismaayo (jubaland news) – Dowladda fedaraalka Soomaaliya ayaa bilowday inay diiwaan-galiso ciidamadii maalmahii lasoo dhaafay kasoo goostay maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe. Boqolaal askari oo kamid ahaa ciidamada Jubbalan oo ku soo biiray ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose ayey diiwaan-gelintooda ka socota halkaasi, si ay u helaan xuquuqda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Ciidamadaan ay haatan dowladda u diiwan-galineyso xaquuqdooda ayaa ahaa kuwa la sheegay in markii hore Jubbaland u soo dirtay inay la dagaalamaan ciidanka dowladda ee la geeyay Raaskambooni. Ciidankan ayaa go’aankii dagaalka ee loo soo diray u beddelay inay ku…