Author: ismail gaarane
Guddiga Baarista Ruushka ayaa ku dhawaaqay geerida Jeneraal Igor Kirillov, oo ahaa taliyaha ciidamada ka hortagga hubka nukliyeerka, kiimikada iyo baayolojiiga ee ciidamada Ruushka, kadib qarax ka dhacay caasimadda Moscow subaxnimadii Talaadada maanta. Guddigu wuxuu war-saxaafadeedkiisa ku sheegay in walxaha qarxa lagu rakibay baaskiil koronto oo la dhigay irridda hore ee dhismo ku yaalla waddada Ryazansky Prospekt ee Moscow, taasoo sababtay dhimashada Kirillov iyo ku-xigeenkiisa. War-saxaafadeedka ayaa tilmaamay in mas’uuliyiintu ay wadaan baaritaan lagu ogaanayo faahfaahinta dambiga, iyagoo furay dacwad ciqaab ah oo ku saabsan dilka saraakiishaasi. Waddada Ryazansky Prospekt oo uu qaraxu ka dhacay waxay qiyaastii 7km u jirtaa…
Wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu qorsheynayo xil ka qaadis ku saabsan ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre. Sida laga soo xigtay ilo-wareedyo ku dhow madaxtooyada, madaxweynaha ayaa la sheegay inuu u diray fariin siyaasiyiin ka ag dhow ra’iisul wasaare Xamse taas oo ahyd in uu is casilo. Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in fariintaas la gaarsiiyay Xamse, hase yeeshee, weli lama hubo in ra’iisul wasaaraha uu aqbali doono go’aankaas ama uu isdifaaci doono. Waxaa sidoo kale la ogyahay in xiriirka madaxweynaha iyo Golaha shacabka uu yahay mid aad u wanaagsan taas oo Madaxweynaha…
Kooxda Inter Milan ayaa guul weyn ka gaartay kooxda Lazio kadib markii ay ku xasuuqeen 6-0 Isniintii, taasoo ahayd gabagabada wareegga 16-aad ee horyaalka Serie A ee Talyaaniga. Inter ayaa si buuxda u maamushay ciyaarta, iyadoo xiddiga reer Turki Hakan Calhanoglu uu furay goolasha daqiiqaddii 41 isagoo rikoodhe ku dhaliyay goolka koowaad. Ka hor dhammaadka qeybta hore, daqiiqaddii 45, wuxuu Federico Dimarco dhaliyay goolka labaad, sidaasna waxaa ku dhammaaday qeybtii hore iyadoo Inter ay ku hoggaamineyso 2-0. Markii la isku soo laabtay, Inter ayaa sii waday maamulkii iyo weerarkii xoogganaa. Daqiiqaddii 51, Nicolo Barella ayaa dhaliyay goolka saddexaad, waxaana laba…
Iyadoo Bitcoin uu ku sii dhawaanayo heerkii ugu sareeyay ee taariikhda qiimaha, fursado cusub oo qarsoon ayaa ka dhex muuqda suuqa altcoin-ka. Lacagaha dijitaalka ah ee hooseeya ayaa leh awood ay faa’iido aad u weyn ku sameyn karaan. shan altcoin oo laga yaabo inay $100 ka dhigi karaan $10,000 kahor inta uusan Bitcoin gaarin yoolkiisa xiga. 1. DOGEN: Lacagta Meme ee Guusha Jecel DOGEN waa lacag loo sameeyay kuwa doonaya nolol sare oo raaxo leh. Waxaa lagu qiyaasayaa koror 700% kahor dhamaadka iibka hore (presale), iyadoo fursado badan oo faa’iido leh laga filan karo. Sida BONK iyo WIF, DOGEN waxa…
Wararka ka imaanaya magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta dagaal uu ka dhacay meel u dhow koonfurta magaalada, oo lagu qiyaasay inay u jirto 10 ilaa 15 km. Iska horimaadka ayaa daba socday xiisado shalay ka dhashay dagaal dhexmaray ciidamada booliska magaalada iyo dhalinyaro deegaanka ah. Sida wararku tilmaamayaan, saaka qeybo ka mid ah magaalada ayaa daganayd, inkastoo xiisaduhu wali taagan yihiin. Dagaalkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dhalinyaro deegaanka ah oo taageersan maamulka Khaatumo, kuwaas oo ku doodayo inay ka dhisaan Ceerigaabo maamul u gaar ah. Dhanka kale, Somaliland ayaa doonaysa in magaalada…
Waxaa sare u kacday qiimaha lacagta dhijitaalka ah ee Bitcoin, taasoo gaartay heerkeedii ugu sarreeyey abid oo ka badan $106,000 intii lagu jiray ganacsiga hore ee Aasiya maanta oo Isniin ah, taasoo lagu taageeray hadallo uu jeediyey madaxweynaha cusub ee la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, kaasoo sheegay inuu damacsan yahay inuu dhiso keyd istaraatiiji ah oo Mareykanku leeyahay oo Bitcoin ah, sida keydka shidaalka istaraatiijiga ah. Lacagta dhijitaalka ah ayaa sidoo kale ka faa’iidaysatay rajo laga qabo in shirkadda “MicroStrategy Inc” lagu daro tusmada saamiyada muhiimka ah ee Mareykanka. Waxaa xusid mudan in MicroStrategy ay ka mid tahay shirkadaha…
Khartoum – Ku dhawaad laba toddobaad ka hor wakhtiga imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare ee Sudan oo ah midka u gudbiya jaamacadaha, ayaa ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) go’aansadeen inay ka hor istaagaan ardayda ku sugan goobaha ay maamulaan, gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Darfur, inay tagaan xarumaha imtixaanka ee ku yaalla magaalooyinka nabdoon. Dhinaca kale, guddiga macallimiinta ayaa ku baaqay in la sameeyo xabbad-joojin iyo marinno ammaan ah oo kumeelgaar ah inta lagu guda jiro muddada imtixaanka, taas oo ay dadka odorasa arrimaha Sudan u arkeen “siyaasadaysi” waxbarashada iyo isticmaalkeeda sidii warqad gorgortan ku jirta oo la…
3 Daqiiqo Gudahood: United oo Garoonka Etihad Gilgishay iyo Guuldarro Kale oo Guardiola Soo Wajahday
Kooxda Manchester United ayaa guul cajiib ah ka gaartay dariskooda Manchester City, kadib markii ay 2-1 ku garaaceen ciyaar xiiso leh oo lagu qabtay garoonka Etihad, taasoo qayb ka ahayd wareegga 16-aad ee Horyaalka Premier League. Qaybta Hore Manchester City ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 36-aad, kadib kubad uu madax teesto ah uu shabaqa ku hubsaday Josko Gvardiol, kaddib kubbad laad gees ahayd oo si qurux badan u soo qaaday. Ciyaarta qaybta hore waxa ay ku dhammaatay 1-0 ay City ku gacan sarreysay, iyadoo United aysan wax fursad weyn ah sameynin marka laga reebo kubbad uu Amad Diallo ku shuuday shabaqa,…
Muqdisho (Jubaland24) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan, oo loo yaqaan Saadaq Joon, ayaa loo magacaabay kaaliyaha amniga ahna taliye ku-xigeenka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka ee NISA, sida ay ilo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen Jubaland24. Saadaq Joon, oo horey u soo qabtay xilka taliyaha NISA iyo booliska gobolka Banaadir, ayaa l xilkan cusub kala wareegay Muxiyadiin Warbac, kaasoo dhowaan laga qaaday xilka. Wararka ayaa tilmaamaya in wareegtada magacaabista Saadaq Joon ay si rasmi ah u gaartey taliska NISA, waxaana la filayaa in faafinta rasmiga ah ee magacaabistan ay soo baxdo saacadaha soo socda. Saadaq Joon, oo horey xilligii Madaxweyne Farmaajo…
Muqdisho (Jubaland 24) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka golaha amniga qaranka oo ka qabsoomay xafiiska amniga qaranka. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amniga guud ee dalka iyo qorshaha kala guurka howl-galka ATMIS. Waxaana shirka ka qeyb-galay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ku-xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, wasiirrada xubnaha ka ah golaha amniga qaranka, iyo taliyeyaasha ciidamada. Intii uu shirka socday, waxaa laga dooday istaraatiijiyadda lagu xoojinayo amniga qaranka iyo dib u habeynta ciidamada Soomaaliyeed si ay u buuxiyaan kaalinta amniga goobaha ay bannaynayaan ciidamada ATMIS. Waxa kale oo lagu diyaariyay qorshaha howl-galka cusub ee AUSSOM.…