Author: ismail gaarane
Wargeyska Times ee Britain ayaa kasoo xigtay ilo-wareedyo sheegaya in kooxda kala-guurka ee madaxweynaha cusub ee la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ay isgaarsiimo telefoon la sameeyeen shaqaale badan oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca (Pentagon) toddobaadyadii ugu dambeeyay, iyagoo uga digaya in shaqooyinkooda halis ku jiraan. Wargeysku wuxuu ku sheegay warbixin uu maanta oo Arbaco ah daabacay in arrintani qayb ka tahay “nadiifin” uu Trump damacsan yahay inuu ka sameeyo wasaaradda. Warbixintu waxay sheegtay in iscasilaadda Laura Cooper, oo ah masuul sare oo ka tirsan Pentagon, ka hor inta aanu Trump xilka la wareegin 20-ka Janaayo, ay saadaalineyso in tiro…
Xisbiga Liberal ee Kanada ayaa wajahaya imtixaan adag maalmaha soo socda si uu u doorto hoggaamiye cusub oo beddela ra’iisul wasaaraha is casilay, Justin Trudeau, una badbaadiya xisbiga guul-darro muuqata oo ku wajahan doorashooyinka guud ee soo socda. Trudeau ayaa shalay oo Isniin ahayd ku dhawaaqay is casilaaddiisa ka dib markii uu toddobaadyadii ugu dambeeyay wajahay cadaadisyo badan, iyadoo lagu eedeeyay masuuliyadda sicir-bararka sare ee dalka ka jira iyo sidoo kale dhibaatada guryaha iyo adeegyada dadweynaha. Sumcadda Trudeau ayaa hoos ugu dhacday heerkeedii ugu hooseeyay, iyadoo uu hadda 20 dhibcood ka hooseeyo ninka ay xafiiltamaan ee Conservative-ka, Pierre Poilievre, sida…
Wargeyska The New York Times ee Mareykanka ayaa sheegay in warbixinno dhowaan soo baxay oo ka hadlayay kooxo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dul heehaabaya xeebta bari ee Mareykanka ay abuureen xiiso ballaaran iyo cabsi laga qabo in dagaal nooca isku-dhafka ah uu qarxo. Wargeysku waxa uu soo xigtay mas’uuliyiin Mareykan ah – kuwaas oo aan magacyadooda la shaacin – oo sheegay in 100 ka mid ah 5,000 oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ah lagu arkay halkaas, taas oo keentay in baaritaanno dheeraad ah la sameeyo. Illaa hadda lama rumaysna in midkoodna uu ahaa diyaarado basaas ah oo shisheeye. Si…
“Yitzhak Cohen maaha arrin ku saabsan ‘haddii,’ balse waa goorma”; hadalkan ayuu ku soo afjaray nin ka tirsan koox dhalinyaro ah oo Falastiiniyiin ah oo ku nool dhulka la haysto, kadib markii uu la hadlay askari Israa’iili ah oo ka qayb qaatay dilkii hogaamiyihii Dhaq-dhaqaaqa Xamaas, Yaxya al-Sinwaar. Kooxdan dhalinyarada Falastiiniyiinta ah ayaa ku guuleystay inay helaan xogta mid ka mid ah askarta Israa’iil ee ku lug lahaa dilka Yaxya al-Sinwaar. Waxay kooxdaasi baahisay muuqaallo muujinaya xog ku saabsan askariga Israa’iil ee Yitzhak Cohen, oo ka mid ahaa kuwii ka qayb qaatay toogashada iyo dagaalkii ugu dambeeyay ee lagu dilay…
Guddiga Aqalka Sare ee Mareykanka ayaa shaaciyay in bangiga Credit Suisse ee dhibaatooyinka dhaqaale la daalaa-dhacaya uu qariyay macluumaad ku saabsan baaritaanno hore oo la xiriiray akoonno lagu xiray Naziyiintii intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Sabtidii, guddiga miisaaniyadda ee Aqalka Sare ayaa bayaan ku sheegay in kumanaan dukumeenti oo la helay intii ay socotay baaritaan joogto ah ay bixiyeen caddeymo cusub oo ku saabsan jiritaanka akoonno xiriir la leh Naziyiinta. Guddiga ayaa intaa ku daray in bangigu uusan shaacin akoonnadan intii lagu guda jiray baaritaanno hore, gaar ahaan tobannaadkii 1990-aadkii. Credit Suisse wuxuu horay u ogolaaday inuu bixiyo…
Boqolaal muwaadiniin Koonfur Kuuriya ah ayaa maanta oo Axad ah isugu soo baxay agagaarka hoyga madaxweynihii xilka laga qaaday, Yun Suk Yeol, iyagoo ku mudaharaaday si weyn, kuna baaqay in xilka laga qaado lana xiro, xilli xaalad kacsanaan siyaasadeed ay ka jirto dalka. Mudahaaradayaasha ayaa isugu soo baxay, inkastoo ay jiraan xaalado baraf daran oo ku dhuftay caasimadda Seoul, halkaas oo heerkulka uu aad u hooseeyay. Mudahaaradyadani waxay dhacayaan waqti xasaasi ah, iyadoo ay Isniinta ku egyihiin wakhtiga ku xusan amar qabasho oo loo soo saaray Yun, taasoo cadaadis weyn saaraysa maamulka si ay u fuliyaan amarka kahor inta uusan…
Xuutiyiintu waxay maanta oo Axad ah ku dhawaaqeen inay beegsadeen xarun koronto oo ku taalla Koonfurta Haifa, Israa’iil, iyaga oo isticmaalaya gantaal dheereeya oo xawaare sare leh. Dhanka kale, warbaahinta ay leeyihiin Xuutiyiinta ayaa sheegtay in isbahaysiga Mareykanka iyo Ingiriisku ay duqeymo ka fuliyeen waqooyiga Yemen. Xuutiyiintu waxay soo saareen bayaan arrintan la xiriira saacado kadib markii ciidanka Israa’iil uu sheegay in difaacooda uu soo riday gantaal ka yimid dhanka Yemen. Afhayeenka ciidanka Xuutiyiinta, Yahya Sariic, oo hadal ka jeediyay telefishinka, ayaa sheegay in ciidamadoodu ay fuliyeen hawlgal ciidan oo lagu beegsaday xarunta korontada ee “Orot Rabin” iyaga oo isticmaalaya…
Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay soo rideen diyaarado badan oo nooca aan duuliyaha lahayn oo ay Ruushka usoo direen dalka, halka warbaahinta Ukraine ay sheegeen in Ruushku uu qabsaday 3 tuulo oo ku dhow magaalada lagu muransan yahay ee Pokrovsk. Ciidamada Cirka ee Ukraine ayaa sheegay in nidaamyada difaaca cirka ay soo rideen 34 ka mid ah 81 diyaaradood oo Ruushku uu soo diray habeenkii xalay, waxayna intaas ku dareen in khatarta 47 diyaaradood la xakameeyay, taas oo muujineysa isticmaalka Ukraine ee qalabka dagaalka elektarooniga si ay u hagaan diyaaradaha…
Ciidanka xoogga dalka Suudaan ayaa subaxnimadii hore ee Sabtida duqeeyey xarumaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee ku yaalla bartamaha Khartuum Bahri, iyagoo ka soo tuuraya madaafiic culus meelaha ay ka joogaan waqooyiga Omdurman. Wariyaha Al Jazeera ayaa sheegay in la maqlay dhawaqa dagaallo iyo qaraxyo ka dhacay xaafadda Shambat ee ku taalla bartamaha Khartuum Bahri. Muddo todobaadyo ah ayaa ciidanka Suudaan u suurtagashay inay gaaraan Shambat, halka Ciidamada Taageerada Degdegga ah ay wali difaac adag kaga jiraan goobaha muhiimka ah ee halkaas. Ciidanka xoogga dalka ayaa isku dayaya inay ka soo gudbaan waqooyiga Khartuum Bahri una sii maraan xarunta Signal…
Shirkado ka socda Mareykanka ayaa ku gacan sarreeyay liiska 100-ka shirkadood ee ugu qiimaha badan suuqyada caalamka, liiskan oo ay diyaarisay shirkadda baarista iyo maalgashiga “EY”. Shirkadda “EY” ayaa war-saxaafadeed ay maanta oo Jimco ah soo saartay ku sheegtay in shirkadaha tiknoolajiyada Mareykanka ee waaweyn sida “Apple”, “Nvidia”, iyo “Microsoft” ay ahaayeen shirkadaha ugu qiimaha badan adduunka dhammaadka sanadka 2024. Daraasad ay sameysay shirkadda “EY” ayaa muujisay in qiimaha suuqa ee shirkadahan uu gaaray: Shirkadda “Apple” oo qiimaheedu yahay 3.78 tiriliyan oo doolar, laga bilaabo 31-ka Diseembar 2024. Shirkadda “Nvidia” oo qiimaheedu yahay 3.28 tiriliyan oo doolar. Shirkadda “Microsoft” oo…