Author: ismail gaarane
Xabsiga Siidnaayaa, oo sidoo kale loo yaqaan “Waraaqda Dadka,” waa mid ka mid ah xabsiyada ugu naxariis darran ee uu lahaa taliska Al-Assad ee Suuriya. Kadib markii madaxweynihii xilka laga tuuray, Bashar Al-Assad, uu ka cararay Dimishiq, iyo burburka nidaamkiisa, dadkii shacabka ahaa iyo eheladii maxaabiista ayaa u jihaystay xabsiga Siidnaayaa oo ku yaalla duleedka Dimishiq si ay u baadi goobaan kuwa ay jeclaayeen oo ay u ogaadaan wixii argagax ka jiray gudaha xabsiga. Intii lagu guda jiray socdaalkooda gudaha xabsiga Siidnaayaa si ay u raadiyaan maxaabiista, dadka waxay la kulmeen wax layaab leh oo ah “mashiinka cadaadiska (hydraulic press).”…
Mas’uul xog-ogaal ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in diblomaasiyiin Qatari ah ay Isniintii la hadleen hoggaanka kooxda Tahrir al-Sham oo hoggaamisa mucaaradka Suuriya, kaddib weerar lama filaan ah oo kooxdaasi ku ridday xukunkii madaxweynihii hore Bashar al-Assad. Mas’uulka ayaa sheegay in Qatar ay qorsheyneyso in Talaadada ay la hadasho hoggaamiyaha kooxda Tahrir al-Sham, Maxamed Al-Bashiir, oo loo xilsaaray hoggaaminta maamulka ku-meel-gaarka ah ee Suuriya. Waxa uu intaas ku daray in “diiradda la saarayo muhiimadda ay leedahay in Tahrir al-Sham iyo kooxaha kale ay ilaaliyaan deggenaanshaha iyo hay’adaha guud ee Suuriya inta lagu jiro marxaladda ku-meel-gaarka ah.” Dowladaha…
Wariyaha Al-Jazeera ayaa sheegay in Injineer Maxamed Al-Bashiir, oo ah Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Badbaadinta ee Suuriya oo maamuleysay Idlib sanado badan, la filayo in loo magacaabo Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Suuriya si uu u hoggaamiyo marxaladda kala guurka. Arrintan ayaa timid ka dib kulan ay isugu yimaadeen hoggaamiyaha howlaha mucaaradka hubeysan Axmed Al-Sharac, Al-Bashiir, iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladda nidaamka Maxamed Al-Jalali, kaasoo lagu magacaabay inuu sii wado hawlaha xukuumadda. Wa kuma Maxamed Al-Bashiir? Ra’iisul Wasaaraha cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo magacaabistiisa ayaa ku dhashay gobolka Idlib sanadkii 1983. Wuxuu haystaa shahaadada Injineernimada korontada iyo elektaronigga, oo…
Weerarka kooxdiisa Islaamiga ah ayaa calaamad u noqday isbeddel weyn oo ku yimid dagaalka sokeeye ee dhiigga badan ku daatay ee 13 sano jirsaday. Maalmo ka hor inta ciidankiisu aysan afgambin xukunka Bashaar al-Asad ee Suuriya, Abu maxamed al-Jolani ayaa si guul leh uga soo muuqday isagoo kor u socda tallaabooyinka qalcaddii qadiimiga ahayd ee xalab, isagoo ku labisan dhar cagaaran (khaki) oo ay ku hareeraysan yihiin ilaaladiisa hub la’aanta ah. Muuqaalkan oo lagu qabtay magaalada labaad ee Suuriya oo la qabsaday kadib weerar degdeg ah oo kooxaha fallaagadu ka sameeyeen dalka oo dhan, hoggaamiyaha Hayat Tahrir al-Sham (HTS) waxaa…
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ku wajahan Raaskambooni, halkaas oo ay dowladdu muddooyinkii ugu dambeeyay ku diyaarineysay ciidamo xooggan oo qeyb ka ah dadaallada lagu xasilinayo Jubaland. Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa loo arkayaa mid muhiim ah oo lagu muujinayo sida ay dowladda uga go’an tahay nabadeynta iyo xoojinta maamul-wanaagga dalka. Inkasta oo Ra’iisul Wasaaruhu uusan booqan karin magaalada Kismaayo sababo la xiriira diidmada Axmed Madoobe, booqashadiisa Raaskambooni ayaa lagu tilmaamay mid istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo iskaashiga dowladda dhexe iyo ciidamada gobolka. Axmed Madoobe ayaa horay ugu adkeystay in qof aan isaga ka amar qaadanin uusan ka…
Enzo Maresca ayaa sheegay in Chelsea ay ka horreeyaan filashadiisa – balse ma filayo in kooxaha ay xafiiltamaan ee Premier League ay hoos u dhacaan tartanka horyaalka “sida Marc Cucurella”. Blues-ka ayaa kasoo kabsaday laba gool oo looga hormaray, iyaga oo 4-3 uga adkaaday Tottenham Axaddii, labadii gool ee hore ee Spurs-na waxay yimaadeen ka dib markii Cucurella uu si lama filaan ah dhulka ugu dhacay. Maresca wuxuu noqday tababaraha Chelsea xagaagii kadib markii uu ka dhaxlay Mauricio Pochettino, oo kooxda London ku hogaamiyay kaalinta lixaad xilli ciyaareedkii hore. Hadda waxay kaalinta labaad kaga jiraan horyaalka, afar dhibcood oo qura…
Reliable reports from Russian Kremlin sources have confirmed that former Syrian President Bashar al-Assad and his family have been granted political asylum in Russia. This development comes after opposition forces fully seized control of Damascus, marking the end of Assad’s long-standing rule. The key questions arising from this situation revolve around where the deposed Syrian president has fled to. In recent days, there has been widespread speculation that he may have sought refuge in either Iran or Russia. According to reports from Russian sources, Assad and his family have been placed under special security arrangements, which are seen as part…
Mucaaradka Suuriya ayaa xukunka ka tuuray nidaamka Bashar Al-Assad, iyagoo gudaha u galay caasimadda Dimishiq saacadihii hore ee Axaddii, kuna guuleystay inay si buuxda gacanta ugu dhigaan kaddib dagaallo kooban. Waxay sidoo kale maalmihii hore la wareegeen magaalada Xumus, iyagoo ka sii gudbayey dhanka Laadiqiya halkaasoo ay ku qabsadeen magaalada Jableh, iyo weliba Manbij oo ku taalla gobolka Aleppo, taasoo horey ugu jirtay gacanta xoogagga Kurdish-ka. Dhanka kale, Ruushka ayaa Axaddii qirtay in Assad iyo qoyskiisa ay hadda ku sugan yihiin caasimadda Moscow, sida laga soo xigtay telefishinka rasmiga ah ee Ruushka oo sheegay in loo fidiyay magangelyo bini’aadannimo dartii.…
29 qof oo rayid ah ayaa ku dhintay Axaddii weerar duqeyn ah oo lagu qaaday saldhig shidaal ku yaalla goob ku taal koonfurta caasimadda Suudaan ee Khartoum, halkaas oo ay gacanta ku hayso ciidamada taageerada degdegga ah (RSF). Sida laga soo xigtay u doodayaasha xuquuqda aadanaha oo la hadlay wakaaladda wararka ee Jarmalka (DPA), weerarka oo ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn ayaa ka dhacay suuqa oo aad u camirnaa, halkaas oo saldhigga shidaalku ku yaallay. Weerarka ayaa sidoo kale sababay dhaawaca dad badan. Markhaatiyaal ayaa sheegay in duqeynta ay keentay qaraxyo waaweyn iyo dab qabsaday dhowr goobood. Sida laga…
Heesta iyo dabaaldegga riditaanka nidaamka, iyo falanqeynta iyo su’aalaha ku saabsan mustaqbalka… Laakiin muuqaalka ugu caansan ee guusha kacdoonka Suuriya wuxuu ahaa kumanaanka dulman ee ka baxaya xabsiyo aysan maleysan karin inay waligood ka baxsan karaan. Adduun ay ka buuxaan ururo caalami ah iyo kuwo xuquuqda aadanaha ah, oo codadkoodu aanay ka nasan ku celcelinta hal-ku-dhegyada xorriyadda, dimuqraadiyadda, iyo caddaaladda, haddana xaqiiqda xuquuqda aadanaha waxay weli ka fog tahay hal-ku-dhegyadan dalal badan, laakiin Suuriya ee Bashar al-Assad waxay u badan tahay inay ka badbaado badan tahay inta kale ee liiska ceebaadka. Rubuc qarni ayuu Bashar al-Assad talada ku hayay Suuriya,…