Author: ismail gaarane
Dagaal culus ayaa ka qarxay aagga Raskambooni, waxaana dagaalka u dhexeeya ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo maamulka Jubaland. Wararka ayaa tibaaxaya in ciidamada Jubaland laga qabsaday gaadiidka dagaalka, waxaana soo baxaya xaalad adag oo ka jirta goobta dagaalka. Xaaladda ayaa si degdeg ah u kobceysa iyadoo labada dhinac ay wadaan dagaal xoogan. Ciidamada DFS ayaa u muuqda inay ku guuleysteen inay noolasha ku qabtaan qaar ka mid ciidamada Jubaland, halkaas aya laga Soo warinaya oo iney jiraan dagaal iyo weerar xooggan oo dhinacyada labada ciidan ay is dhaafsanayaan. Wararka iyo xogaha dhanka deegaanka ayaa sheegaya in ay jiraan khasaare…
Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa sheegay in dhaawaca Kylian Mbappe uu yahay culays muruqa ah. Xiddiga reer Faransiis ayaa ku dhaawacmay intii lagu guda jiray guushii 3-2 ee ay Los Blancos ka gaareen Atalanta Talaadadii (Disembar 10) kulanka Champions League. Mbappe ayaa ku bilowday si heer sare ah ciyaarta, isagoo kubbad ka helay Brahim Diaz oo u dhaliyay gool Los Blancos daqiiqaddii 10-aad. Si kastaba ha ahaatee, xiddiga 25-jirka ah ayaa istaagay isagoo isku dayaya inuu orod sameeyo, waxaana lagu beddelay Rodrygo Goes daqiiqaddii 35-aad. Mbappe ayaa qaab ciyaareed fiican ku jiray kulamadii ugu dambeeyay, isagoo shabaqa soo taabtay…
Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu falanqeeyay iskaashiga ka dhaxeeya Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka iyo hay’adaha USAID iyo FCDO. Kulanka oo diiradda lagu saarayay horumarinta mudnaanta qaranka ee Soomaaliya, ayaa isugu keenay madaxda Wasaaradda, wakiillo ka socda USAID, FCDO, iyo hay’adaha la-hawl gala. Intii uu socday kulanku, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay kaalinta taageerada USAID iyo FCDO ee barnaamijyada ay Dowladda Federaalka u aragto kuwo mudnaan leh. Sidoo kale, madasha ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira mashaariicda socda iyo kuwa la…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Ankara ee caasimadda Turkiga, kaddib markii uu marti-qaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Turkiga, Mudane Recep Tayyip Erdoğan. Booqashada Madaxweynaha ayaa salka ku haysa ka-qaybgalka wareegga saddexaad ee wadahadalka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo dadaal dheeri ah lagu bixinayo nabad ku dhisan wada-hadal. Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si qoto dheer ugu mahadcelineysaa dowladda iyo shacabka Turkiga kaalintooda muhiimka ah ee fududeynta iyo taageeridda wadahadallada…
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa ku booriyey xulafada dalkiisa inay bixiyaan 10 ilaa 12 nidaam difaaca hawada oo dheeri ah nooca Patriot, kuwaas oo uu sheegay inay siin doonaan Ukraine difaac buuxa oo cirka ah, ka dib markii gantaal Ruush ah uu dilay ugu yaraan 4 qof magaalada Zaporizhzhia ee koonfur-bari Ukraine. Tan iyo markii Ruushku ku duulay dhulka Ukraine bishii February 2022, Kyiv waxay si joogto ah uga codsanaysay xulafadeeda inay bixiyaan nidaamyada difaaca hawada ee casriga ah. Zelensky oo ka hadlayay kulan uu la yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan baarlamaanka Midowga Yurub ayaa yiri: “Mararka qaar ma fahmin taas……
Ra’iisul wasaaraha cusub dowladda Suuriya ee mucaaradka la xiriira, Maxamed Al-Bashiir, ayaa ku dhawaaqay khudbad telefishin laga sii daayay Talaadadii in loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku meel gaar ah oo muddo saddex bilood ah xafiiska sii joogi doona. Inta lagu jiro muddadan, dowladdiisa ayaa ka shaqeyn doonta sidii Suuriya loogu wareejin lahaa xukuumad cusub. Al-Bashiir ayaa intaas ku daray in wasiirrada “Dowladd Badbaadinta” ee oo hoos tagta ururka hay’adda Xoreynta Shaam, iyo sidoo kale shaqaalaha rayidka ah ee dowladdii madaxweynihii xilka laga qaaday, Bashar Al-Asad, ay sii wadi doonaan shaqooyinkooda iyaga oo ah wasiirro dowr ku meel gaar ah ilaa…
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta si rasmi ah uga furay magaalada Muqdisho shir muhiim ah oo looga hadlayay horumarinta wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska (Joint Police Programme – Phase 2, JPP2). Shirkan oo diiradda lagu saaray qorshaha sanadka 2025 iyo miisaaniyaddiisa, ayaa waxaa si qoto dheer looga dooday hirgelinta iyo isku-duwidda barnaamijka, iyadoo loo marayo hab wada-shaqeyn iyo iskaashi. Ugu dambeyntii, shirka ayaa lagu ansixiyay qorshaha sanadeedka Barnaamijka 2025 iyo miisaaniyaddiisa, taasoo qeyb muhiim ah ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka iyo tayeynta Booliska Soomaaliyeed. Barnaamijkan ayaa la rajeynayaa…
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa maanta ka qeyb galay dood heerkeedu sareeyo oo lagu qabtay magaalada Casablanca, ee Boqortooyada Morocco, halkaas oo uu ka socdo Shirka Sanadlaha ah ee Maaliyadda Afrika (Africa Financial Summit). Dooddan oo diiradda lagu saaray arrimaha deymaha iyo sidii dalalka gobolka u heli lahaayeen maalgalin waara ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirro Maaliyadeed oo ka kala socday dalalka Afrika iyo aqoonyahanno ku xeel dheer dhaqaalaha. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa khudbadiisa ku soo bandhigay waayo-aragnimada Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dariiqii ay martay hanaanka deyn cafinta ee HIPC, iyadoo uu sheegay…
Muqdisho, Diseembar 10, 2024 – Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu shaaciyay xil ka qaadis iyo magacaabis cusub oo lagu sameeyay hoggaanka Gobolka Banaadir iyo Caasimadda Muqdisho.Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahna Duqii Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), isagoo beddelkiisa u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir. Mudane Maxamed Axmed Amiir waa aqoonyahan khibrad ballaaran u leh arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada, iyo maamulka iyo maaraynta. Magacaabistan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo horumarinta iyo maamulka Caasimadda.Qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu xusay in xilka cusub ee Guddoomiyaha…
Ururka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta ayaa maanta oo Talaado ah soo saaray warbixin uu ku sheegay in sanadka 2024 uu ahaa sanad dhiig badan ku daatay, iyadoo la dilay 104 suxufi oo caalamka ah, in ka badan kala badhna lagu dilay Marinka Gaza oo dagaal burburin ah ay ku waddo Israa’iil. Ururka oo xisaabiyay dilalka 129 suxufi oo la dilay sanadkii 2023, ayaa Anthony Bellanger oo ah xoghayaha guud ee ururka fadhigiisuna yahay Brussels, sheegay in “sanadka 2024 uu noqday mid ka mid ah sanadaha ugu xun ee saameeyay saxaafadda,” isagoo cambaareeyay “xasuuqa ka socda Falastiin.” Ururku wuxuu tilmaamay in…