Author: Abdullahi dukow
Bishaar Al-Asad oo ah madaxweynaha Suuriya iyo Axmed Madoobe oo hoggaamiye ka ah Jubaland waxay leeyihiin astaamo iyo dhaqan isku mid ah marka la eego sida ay u maamulaan awoodda. Labadooduba waxay ku caan baxeen xukun kelitalisnimo ah, adeegsiga cabsi gelinta, ciqaabta sharci-darrada ah, iyo cunaqabateynta shacabka. Maqaalkan waxa uu si qoto dheer u falanqeynayaa Toban qodob oo muhiim ah oo ay labadan hoggaamiye wadaagaan, kuwaas oo muujinaya hab dhaqankooda arxan-darrada ah iyo sida ay u cabburiyaan mucaaradka iyo shacabka hoos yimaada maamulkooda. 1. Xukunka kelitaliska ah iyo cadaadiska shacabka: Bishaar Al-Asad wuxuu Suuriya u adeegsanayay xukun kelitalis ah, isaga oo…
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in uu berri safar rasmi ah ku tago dalka Turkiga, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan. Safarka Madaxweyne Xasan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jirto xiisad diblomaasiyadeed oo u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya. Warar hoose ayaa sheegaya in Erdogan uu dhex-dhexaadin ka dhex wado Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, kuwaas oo la filayo in ay kulanka fool ka fool ah ku yeeshaan magaalada Ankara. Erdogan ayaa dadaal ugu jira in uu xal u helo khilaafka labada dhinac, gaar ahaan heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya…
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta khudbad uu ka jeediyey masjidka si cad u sheegay mowqifkiisa ku aaddan Axmed Madoobe iyo hoggaaminta Jubbaland. Madaxweynaha ayaa ku eedeeyey Axmed Madoobe inuu ka baxay heshiisyadii uu saxiixay, kana hor yimid dadaallada xoreynta dalka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed. “Axmed Madoobe wuxuu diiday inuu ku shaqeeyo sharciga, wuxuuna abuurtay xaalad aysan suuragal ahayn in rabitaankiisa dadka loo duleeyo ama ay Soomaali ku kala tagto,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay dadaalka dowladda ee amniga Jubbaland, isagoo xusay in ciidamada Qaranka ay saldhig ka sameysteen Raaskambooni, si ay…