Washington, 20 Janaayo 2025
Donald Trump, madaxweynaha cusub ee la doortay ayaa maanta oo Isniin ah lagu caleemo-saarayaa inuu noqdo madaxweynaha Mareykanka muddo xilleedkiisi labaad, Munaasabadda ayaa ka dhici doonta gudaha dhismaha Congress-ka, halkii ay ka dhici lahayd dibadda, sababo la xiriira cimilada oo aad u qabow.
Trump ayaa ballanqaaday inuu ku dhaqaaqi doono tallaabooyin isbeddel weyn ah maalintiisa ugu horreysa xafiiska, kuwaas oo diiradda lagu saari doono arrimaha amniga, soohdimaha, iyo kordhinta wax-soo-saarka shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.
Xilligga iyo Goobta Caleema-saarka
Trump wuxuu dhaarta dastuuriga ah ku mari doonaa gacanta John Roberts, oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Mareykanka, saacadda 12 duhurnimo ee waqtiga bariga Mareykanka (5 galabnimo GMT).
Marka uu dhaarta dhammaysto, wuxuu jeedin doonaa khudbad caleema-saarka oo uu sheegay inay noqon doonto mid mideynaysa shacabka Mareykanka, si ka duwan khudbaddii uu jeediyay sanadkii 2017.
Joe Biden, madaxweynihii hore, ayaa sidoo kale ka qeyb geli doona munaasabadda, waana tallaabo uu Trump ka gaabsaday markii Biden la caleemo-saarayay afar sano ka hor.
Martida iyo Amniga
Trump ayaa jebiyay dhaqankii hore isagoo casuumay madaxda caalamiga ah inay ka soo qeyb galaan xafladda. Madaxda sida gaarka ah u taageera Trump, sida madaxweynaha Argentina, Javier Milei, ayaa ka mid ah martida ka soo qeyb galeysa. Hase yeeshee, Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping, ayaa diraya wakiil sare halkii uu ka iman lahaa.
Mark Zuckerberg (madaxa Meta), Elon Musk (Tesla iyo SpaceX), iyo Jeff Bezos (Amazon) ayaa sidoo kale ka mid ah dadka caanka ah ee ka qeyb geli doona xafladda.
Dhaqaalaha iyo Kharashaadka Xafladda
Kharashaadka munaasabadda ayaa inta badan waxaa daboolaya Guddiga Caleema-saarka Trump, oo ay hormuud u yihiin saaxiibbadiisa siyaasadeed iyo ganacsatada waaweyn. Waxaa la sheegay in guddigu ay ururiyeen lacag dhan $170 milyan oo doollar, iyadoo shirkadaha waaweyn sida Apple, OpenAI, iyo Uber ay ku deeqeen lacago badan.
Go’aannada iyo Tallaabooyinka Madaxweynaha Cusub
Trump ayaa qorsheynaya inuu saxiixo in ka badan 200 oo amar fulineed maalinta ugu horreysa ee uu xafiiska la wareego. Tallaabooyinkaas ayaa diiradda lagu saarayaa:
Amniga soohdimaha: Ku dhawaaqista xaalad degdeg ah xadka Mexico iyo Mareykanka, iyo dib u soo celinta siyaasaddii “ku sugnaaw Mexico.”
Shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah: Kobcinta wax-soo-saarka tamarta qaran.
Xukun-dhaafid: Cafiska dadka loo xiray weerarkii 6-dii Janaayo ee 2021 ee dhismaha Congress-ka.
Munaasabadda caleema-saarka waxay sidoo kale la socon doontaa xaflado iyo bandhigyo kala duwan oo ka dhici doona Washington, halkaas oo ganacsato iyo siyaasiin caan ah ay marti ku yihiin.
Xigasho: Reuters