Muqdisho (Jubaland24) – Magaalada Muqdisho ayaa lagu qaban doonaa kulanka labaad ee fulinta heshiisyadii kasoo baxay shirkii saddex geesoodka ahaa ee Asmara, sida lagu shaaciyey war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar.
Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Ereteriya, iyo Masar ayaa Axaddii ku kulmay magaalada Qaahira, halkaas oo ay ku gorfeeyeen dib-u-eegista iyo fulinta qodobadii ay madaxda saddexda dal ku heshiiyeen intii lagu guda jiray shirkii Asmara ee dhacay 10-kii October 2024.
Kulanka Qaahira oo uu martigeliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, ayaa waxaa ka qaybgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo dhiggiisa Ereteriya, Cusmaan Saalax Maxamed. Wasiirradu waxay si gaar ah diiradda u saareen amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyo taageeridda mabaadi’da sharciga caalamiga ah.
Bayaanka kulanka ayaa lagu xaqiijiyay in shirka saddex geesoodka ee xiga lagu qaban doono Muqdisho, inkastoo aan weli la shaacin taariikhda rasmiga ah. Wasiirrada ayaa ku heshiiyay inay xoojiyaan isku-dubaridka dadaallada lagu xaqiijinayo heshiisyadii Asmara.
Shirkii hore ee Asmara ayaa xoogga saaray xoojinta amniga gobolka, ilaalinta madax-bannaanida dalalka, iyo taageeridda mabaadi’da aan faragelinta ahayn. Waxaa sidoo kale lagu saxiixay heshiisyo ku saabsan xalinta khilaafaadka ka dhex jira dalalka gobolka, oo ay ku jirto xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhalatay is-afgaradkii Somaliland.
Waxaa la filayaa in shirka Muqdisho uu diiradda saaro hirgelinta heshiisyadii hore iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda iyo iskaashiga gobolk