Wargeyska Times ee Britain ayaa kasoo xigtay ilo-wareedyo sheegaya in kooxda kala-guurka ee madaxweynaha cusub ee la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ay isgaarsiimo telefoon la sameeyeen shaqaale badan oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca (Pentagon) toddobaadyadii ugu dambeeyay, iyagoo uga digaya in shaqooyinkooda halis ku jiraan.
Wargeysku wuxuu ku sheegay warbixin uu maanta oo Arbaco ah daabacay in arrintani qayb ka tahay “nadiifin” uu Trump damacsan yahay inuu ka sameeyo wasaaradda.
Warbixintu waxay sheegtay in iscasilaadda Laura Cooper, oo ah masuul sare oo ka tirsan Pentagon, ka hor inta aanu Trump xilka la wareegin 20-ka Janaayo, ay saadaalineyso in tiro badan oo ka mid ah shaqaalaha waayo-aragnimada leh ay ka tagi doonaan Pentagon-ka.
Wargeyska ayaa tilmaamay in Cooper – oo ah kaaliyaha ku xigeenka xoghayaha difaaca ee arrimaha Ruushka, Ukraine, iyo Eurasia – ay door hoggaamineed ku lahayd maareynta barnaamijka gargaarka milateri ee ballaaran ee Washington u furtay Kyiv, kaas oo bilowday markii dagaalka Ruushka iyo Ukraine uu qarxay ku dhowaad saddex sano ka hor.
Waxaa caadi ka ah Mareykanka in maamulka madaxweynaha cusub uu beddelo shaqaalaha haya jagooyinka siyaasaddu ku dheehan tahay ee wasaaradaha kala duwan, halka shaqaalaha adeegga rayidka ee leh waayo-aragnimada ballaaran ay sii haystaan boosaskooda.
Si kastaba ha ahaatee, wargeyska Times ayaa kasoo xigtay ilo-wareedyo dhanka difaaca ah in shaqaale badan oo Pentagon-ka ka tirsan ay toddobaadyadii ugu dambeeyay ka heleen koox Trump u qaabilsan kala-guurka wicitaanno telefoon oo uga digaya in shaqooyinkoodu halis ku jiraan.
Mid ka mid ah ilo-wareedyada ayaa sheegay in la filayo in la baabi’iyo unug ay Laura Cooper mas’uul ka ahayd, kaas oo u xilsaarnaa isku xirka xulufada taageerta Ukraine, maadaama uu Trump ku ballanqaaday ololihiisii doorashada inuu soo afjari doono dagaalka haddii uu Aqalka Cad yimaado.
Ilo-wareedka ayaa intaa ku daray in wicitaanada telefoonkaasi ay abuurteen jawi cabsi gelin ah oo ka dhex jira Pentagon-ka, iyagoo muujinaya in madaxweynaha cusub uu doorbidayo shaqaalaha muujin kara daacadnimo ay u hayaan isaga.