Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Warbixino»Ukraine oo saartay Tiknaloojiyad cusub oo ka yaabisay Ruushka

Ukraine oo saartay Tiknaloojiyad cusub oo ka yaabisay Ruushka

December 19, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Ukrayn ayaa soo bandhigtay hub cusub oo laser ah oo loo yaqaan “Tryzub,” kaas oo awood u leh inuu soo rido diyaaradaha. Tallaabadan ayaa ah mid muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda difaaca ee dalka ka dhanka ah weerarrada Ruushka. Nidaamkan waxa uu qayb ka yahay hal-abuurro cusub oo militari oo loogu talagalay in lagu horumariyo awoodda ciidamada ee Ukraine.

Warbixin ay qortay jariidada Newsweek, qoraaga Maya Mehrara ayaa tilmaantay in wakaaladda Interfax-Ukraine ay shaacisay in Ukraine ay hawlgalisay nidaam cusub oo laser ah oo loo yaqaan “Tryzub,” kaas oo awood u leh inuu soo rido diyaaradaha ku jira joogga 1.2 mile. Colonel Vadym Sokharyevskyi, oo ka tirsan ciidamada nidaamyada aan duuliyaha lahayn ee ciidamada Ukraine, ayaa sheegay in hadda lagu shaqeynayo sidii loo kordhin lahaa masaafada uu laser-kan gaari karo.

Qoraaga ayaa tilmaamay in hirgelinta laser-kan cusub ee Tryzub ay muhiimad weyn leedahay maadaama ay Ukraine u baahan tahay hal-abuur hub si ay uga sii dagaallanto Ruushka. Iyadoo xiisadda labada dal ay cirka isku sii shareerayso, iyo hubka masaafada dheer oo sii baahaya, ayaa Kyiv waxay qasab ku tahay inay hesho habab cusub oo ay isku difaacdo.

Intaas waxaa sii dheer, Sokharyevskyi wuxuu sheegay in Ukraine sidoo kale ay horumarinayso drones cusub oo loo yaqaan “M,” kuwaas oo qaadi kara laba diyaaradood oo kale oo yar yar. Tani waa mid ka mid ah horumarrada dhowr ah oo ku saabsan hubka casriga ah. Hubkan cusub ayaa siinaya Ukraine habab kala duwan oo ay Ruushka kula dagaallanto.

Magaca “Tryzub” oo macnihiisu yahay “Waranka Saddexda Geesood,” ayaa ah qayb ka mid ah astaan-qurxinta Ukraine, waxaana la rumeysan yahay in laser-kan Tryzub uu yahay wax soo saar gudaha ah.

Dragonfire

Qoraaga ayaa tilmaamay in faahfaahinta ku saabsan nooca iyo sifooyinka laser-kan Tryzub ay aad u kooban yihiin sida laga soo xigtay bogga Militarnyi. Si kastaba ha ahaatee, bishii Abriil ee sanadkan, waxaa la soo wariyay in UK ay qorshaynayso inay u dirto Ukraine tijaabooyinkii ugu horreeyay ee nidaamka difaaca hawada ee laser-ka loo yaqaan “Dragonfire.”

Nidaamka “Dragonfire” waxa markii ugu horreysay horumariyay shirkado Ingiriis ah sida MBDA UK, Leonardo UK, iyo QinetiQ Group sanadkii 2018. Waa laser awooddiisu ka badan tahay 50 kilowatts, waxaana wali lagu guda jiraa tijaabooyinkiisa. Wasiirkii hore ee Difaaca UK, Grant Shapps, ayaa sheegay in nidaamkan “Dragonfire” loo adeegsan karo soo rididda diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, waxaana la filayaa in la hawlgaliyo sannadka 2027.

Ciidamada nidaamyada aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ayaa la aasaasay wax ka yar lix bilood kahor waxayna ka shaqeeyaan aagga hore ee dagaalka iyagoo isku dara qaybaha hawada, dhulka, iyo biyaha, sida uu sheegay Sokharyevskyi.

Isagoo ka hadlayay shir ku saabsan iskaashiga warshadaha difaaca Yurub iyo Ukraine, Sokharyevskyi wuxuu yiri: “Waxaan xaqiijin karnaa in Ukraine maanta, haddii aan khaldanayn, ay tahay dalka shanaad ee sheegi karta inay leedahay laser.”

Ugu dambeyntii, qoraaga wuxuu warbixinta ku soo xiray isagoo sheegay in la arki doono sida laser-kan Tryzub ama nidaamyada kale ee difaaca laser-ka ay u saameyn doonaan dagaalka Ruushka, iyo hubka Ruushka uu u adeegsan doono la dagaallankooda.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.