Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Warka Maanta»Weerar Aan Gambasho Lahayn: Ra’iisul Wasaare Xamse oo Xildhibaanada Dhaliilay

Weerar Aan Gambasho Lahayn: Ra’iisul Wasaare Xamse oo Xildhibaanada Dhaliilay

December 18, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Maalmahan waxaa baraha bulshada si weyn looga hadal hayay olole ay wadaan dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo si weyn u soo jiitay dareenka dadweynaha, uguna dambeyn gaaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa shalay intii uu ka hadlayay xafladda xilwareejinta agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka, sheegay in uu warbixin ka helay dhalinyarada oo ay uga warameen  barnaamijka lagu dhiirrigelinayo in aan CV-yada loo gudbin xildhibaanada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa yiri:

“Mustafow, ma ogtahay inay sheekada dhalinyarada  isoo gaartay? Aniga xalay ayay ii sheekeyeen. Waxay wadaan olale la yiraahdo, ‘CV-gaaga hala wadaagin xildhibaan kaaga.’ Hore waxaa caado ahayd in xildhibaanada loo geeyo CV-yada , iyagoo loo sheegayo booska banaan ee shaqooyinka. Hadda se, intuu beddel ku sameeyo Cvga, ayuu isagu booska qaadanayaa.”

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa yimid kadib markii dhowr xildhibaan ay doorteen xilal aan ku jirin boosaskii matalaada shacabka, sida Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Xildhibaan  Saadaq Joon oo loo magacaabay Taliye Ku-xigeenka Hay’adda NISA.

Arrintan ayaa dhalisay caro iyo walaac ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka muujiyeen sida ay u muuqato in xildhibaanada matalaya ay ku tartamayaan boosaska shaqooyinka oo ah fursado ay heli lahaayeen aqoonyahanada . Tani waxay dhalisay rajo xumo ku saabsan mustaqbalka shaqo raadiska dhalinyarada Soomaaliyeed, iyada oo la rumeysan yahay in mas’uuliyiinta matala shacabka ay isku koobayaan fursadaha shaqooyinka dalka.

 

 

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.