Magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta laga soo qaaday ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo lagu qabtay dagaalkii dhacay Arbacadii lasoo dhaafay, kuwaas oo gacanta u galay maamulka Jubbaland. Tirada ciidamada la qabtay ayaa gaaraysa 83 askari oo isugu jira Militeri, Boolis, iyo Nabad Sugid, kuwaas oo hadda lagu wareejiyey dowladda federaalka.
Masuuliyiin Jubbaland ka tirsan oo ay ku jiraan Wasiirro, guddoomiyaha Kismaayo, iyo saraakiil uu hoggaaminayo Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta gaaray Raaskambooni si ay ula wareegaan ciidamada maxaabiista ah. Jubbaland ayaa sheegay inay ka xunyihiin dagaalka dhacay iyo in ciidamada Soomaaliyeed ay isku jeesteen, taas oo keentay inay maxaabiis ahaan u qabtaan wiilal Soomaaliyeed.
Si ciidanka loo soo celiyo, Jubbaland ayaa maanta dalbatay labo diyaaradood oo Muqdisho u daabula maxaabiista. Diyaaradda koowaad ayaa galabta qaaday 33 askari, halka diyaaradda labaad ay qaaday 50 askari, kuwaas oo qaar ka mid ah ay dhaawacyo qabaan. Ciidamadaasi oo dhammaystiran ayaa maanta fiidkii laga soo dejiyey Muqdisho.
Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka oo warbaahinta kula hadlay goobta ayaa sheegay inuu Kismaayo ka soo baxay fasax la’aan si uu u daryeelo maxaabiista, kuwaas oo uu sheegay in aysan mudnayn in lagu dayaco Raaskambooni. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ciidamada weli ku sugan duurka inay isa soo dhiibaan inta uu jooggo si nabad loogu celiyo Muqdisho.
Dhanka kale, Jubbaland ayaa ku eedaysay dowladda federaalka inay masuul ka tahay dagaalka Raaskambooni ka dhacay, iyagoo ku tilmaamay duullaan lagu qaaday deegaan nabad ah oo ay 2011-kii ka saareen Khawaarijta. Ciidamada dowladda ee laga adkaaday Arbacadii lasoo dhaafay ayaa lagu warramay inay ku sugan yihiin xuduudda Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo aysan weli caddeyn tallaabada xigta ee dowladda federaalka ay qaadi doonto.