Madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa dhaliilay isticmaalka gantaallada ay Ukraine ka heshay Mareykanka si ay ugu weerarto bartilmaameedyada gudaha Ruushka. Hadalladan ayaa muujinaya inuu beddeli doono siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan Ukraine.
Trump oo wareysi siinayey majaladda Time oo siisay cinwaanka “Qofka Sanadka,” ayaa yiri: “Waxa dhacaya waa waali. Waxaan aad uga soo horjeedaa in gantaallo loo adeegsado weerarada bartilmaameedyada boqolaal mayl u jira gudaha Ruushka. Maxaa naga qasbaya inaan sidaas samayno? Waxa kaliya ee aan sameyneyno waa inaan hurinno dagaalkan oo ka dhigno mid ka sii xun. Tani ma ahayn in la ogolaado.”
Bishii hore, Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa ka qaaday xayiraaddii Mareykanka ee ku saabsan in Ukraine ay isticmaasho gantaallo masaafe dheer u gudba oo uu Mareykanka siiyay si ay u qaaddo weerarro gudaha Ruushka ah, tallaabo lagu taageerayo dagaalka ay Ukraine kula jirto Ruushka.
Go’aankan ayaa yimid ka dib codsiyo uu sameeyay Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky. Aqalka Cad ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee Biden u beddelay go’aankiisa ay ahayd Ruushka oo 15,000 askari oo reer Kuuriyada Waqooyi ah ku soo dhoobay jiidda dagaalka.
Trump ayaa sheegay inuu doonayo in si degdeg ah loo soo afjaro dagaalka saddexda sano socday, wuxuuna ku sheegay wareysiga uu siiyay Time inuu haysto “qorshe cusub oo aad u gaar ah.” Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in haddii qorshahaas hadda la shaaciyo, uu noqon doono mid “aan qiimo lahayn.”
Trump, oo lagu wado in loo dhaariyo xilka madaxweynenimada Mareykanka 20-ka Janaayo ee soo socda, ayaa dhowaan la kulmay Zelensky iyo Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, magaalada Paris.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay ilo-wareedyo in Zelensky uu kulankaas uga faa’iidaystay inuu sharaxo muhiimadda ay leedahay in Ukraine hesho dammaanad-amaanka haddii dagaalka lagu soo afjaro wada-xaajood.
Zelensky wuxuu muddo dheer ku dadaalayay in dalkiisu uu xubin ka noqdo Isbahaysiga NATO.
Dhanka kale, Aqalka Cad ayaa shalay ku dhawaaqay xirmo cusub oo gargaar milatari ah oo loo dirayo Ukraine, iyada oo aan la shaacin cabbirka iyo waxa ku jira xirmadaas.
Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad, John Kirby, ayaa sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono inuu Ukraine siiyo xirmooyin dheeri ah “ilaa dhammaadka muddo-xileedka maamulka hadda jira.”
Taageerada Yurub:
Iyadoo cabsi Yurub ka jirto in maamulka cusub ee Trump uu joojiyo taageerada Mareykanka ee Ukraine, Raysul Wasaaraha Poland, Donald Tusk, iyo Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa shalay ku adkeystay Warsaw in nabadda Ukraine aan lagu soo celin karin khasaare ku yimaada Ukrainians-ka.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay suuragalnimada in ciidamada Yurub loo diro Ukraine si looga hortago weerar kale oo Ruushka ka yimaada, arrintan oo imaanaysa hal bil ka hor inta Trump uusan dib ugu laaban Aqalka Cad.
Macron ayaa xusay in “Qofna u hadli karin magaca Ukrainians-ka marka laga hadlayo waxyaabaha laga tanaasulayo.”