Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Warbixino»Doorashada Guddoomiyaha Midowga Afrika: Fursadaha iyo Aragtida Maxamuud Cali Yuusuf ee Afrika

Doorashada Guddoomiyaha Midowga Afrika: Fursadaha iyo Aragtida Maxamuud Cali Yuusuf ee Afrika

December 12, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Addis Ababa – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, oo ah musharax u tartamaya xilka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayaa xaqiijiyey in Afrika ay la daalaa-dhaceyso faragelin dibadeed oo ka dhalatay faro madhnaan amni, isagoo tusaale u soo qaatay xaaladda ka taagan Suudaan. Wuxuu sheegay in xal u helidda dhibaatada Suudaan ay ka bilaabaneyso mas’uuliyadda wadamada dariska ah, si loo xiro xuduudaha looga hortagayo in calooshood u shaqeystayaal galaan gudaha.

Hadalkaan ayuu ka jeediyay kulan dood ah oo uu la yeeshay safiirada dalalka Afrika xilli lagu daah-furayay ololihiisa doorashada oo ka dhacday xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa Talaadadii la soo dhaafay. Intii kulanka uu socday, Yuusuf wuxuu soo bandhigay aragtidiisa iyo barnaamijyada mustaqbalka uu ku horumarinayo shaqada Midowga Afrika iyo sida looga jawaabayo caqabadaha horyaalla qaaradda.

Maxamuud Cali Yuusuf, oo xilkan kula tartamaya Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Madagascar Richard Randria, waxaa loo arkaa “Odayga Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Afrika,” maadaama uu xilkan hayay tan iyo sanadkii 2005. Ololihiisa wuxuu haystaa taageero ballaaran oo uga imanaysa ururada Jaamacadda Carabta, Iskaashiga Islaamka, iyo dalalka ka tirsan Faransiiska ku hadla.

Mudnaanta Koowaad

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti ayaa aragtidiisa ku soo qaatay dhowr arrimood oo uu xoogga saaray, kuwaas oo ugu muhiimsanaa nabadda iyo ammaanka. Wuxuu sheegay inay noqon doonaan mudnaantiisa ugu weyn haddii la doorto, isagoo xooga saaraya in la xoojiyo hababka nabadda ee Afrika iyo in si buuxda loo hawlgeliyo ciidamada Afrika ee heegan ah. Wuxuu adkeeyey in guusha laga gaaro arrimahan ay ku xirantahay isuduwid hufan, mideynta siyaasadaha heer qaran iyo gobol, iyo fulinta daahfurnaan iyo isla xisaabtan dhammaan heerarka maamulka.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in kacdoonka dijitaalka uu hadda qayb muhiim ah ka noqday nolol maalmeedka, isaga oo ku baaqay in Afrikaan badan laga dhigo kuwo si firfircoon uga qeyb qaata isbeddelkaas halkii ay ka ahaan lahaayeen isticmaaleyaal kaliya.

Wuxuu intaa ku daray in qaaradda Afrika ay leedahay dhalinyaro leh hal-abuur iyo cilmi-baaris cajiib ah, isagoo sheegay in guddiga uu siin doono mudnaan gaar ah dhalinyarada si ay door muhiim ah uga ciyaaraan isbeddelka dijitaalka caalamiga ah ee Afrika.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.