Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Dhaqaalaha»5 Cryptocurrency oo Kuu Horseedi Kara Hanti

5 Cryptocurrency oo Kuu Horseedi Kara Hanti

December 8, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Waxaa jiray waqti dad badan ay ka cabsadeen lacagaha dhijitaalka ah, iyadoo loo arkayay in ay yihiin halis iyo khatar maaliyadeed. Laakiin markii Bitcoin uu gaaray qiimaha $100,000, bulsho badan ayaa hal mar baraarugtay. Waxaa la ogaaday in lacagaha dhijitaalka ah ay yihiin xaqiiqo maaliyadeed oo awood badan. Tobanaan kun oo qof ayaa noqday milyineero daqiiqado gudahood, iyagoo ka faa’iidaystay sare u kaca qiimaha lacagahan.

Haddii aad ka qoomameysay inaad maalgashan weydo shaley, maanta weli waxaad haysataa fursad aad ku soo rogaal celin karto. Waa kuwan shan coin oo aad maalgashan karto maanta, kuwaas oo mustaqbalka dhaw kaa dhigi kara milyineer.

  1. Shiba Inu (SHIB)

Shiba Inu waa mid ka mid ah “meme coins”-ka loogu jecel yahay suuqyada dhijitaalka ah. Hadda waxa uu qiimihiisu joogaa $0.00003176 iyo suuqiisa guud oo gaaraya $18 bilyan. Qiimaha hooseeya ee uu maanta ku jiro waa fursad weyn oo aad kumanaan dollar ku heli karto adiga oo lacag yar ku maalgashanaya. Waxaa la filayaa in dhowr sano gudahood uu sare u kici doono, taas oo ka dhigan faa’iido badan oo maalgashadayaasha u suuroobaysa.

  1. Pepe (PEPE)

Pepe waa coin markii hore loo sameeyay madadaalo ahaan, laakiin si lama filaan ah ayuu caannimo ku helay. Hadda waxa uu jooga qiimaha $0.00002225, waxaana la saadaalinayaa in uu sare u kici doono sanadka 2025. Faa’iidada ugu weyn ee coin-kan waa inaad maanta iibsato marka uu qiimihiisu hooseeyo si aad u hesho faa’iido weyn marka uu qiimihiisu sare u kaco.

  1. Bonk (BONK)

Bonk waa meme coin kale oo ay xoojinayaan mashruucyo iyo teknoolojiyad gaar ah. Waxaa si gaar ah u taageeraya BonkBot, oo ah bot dadku ku isticmaalaan Telegram si ay u iibsadaan token-yada. Waxay tani ka dhigtay Bonk inuu yeesho saameyn gaar ah oo uu mustaqbalka dhaw ku heli karo qiimo sare.

  1. Decentraland (MANA)

Decentraland waa coin si gaar ah loogu talagalay dhisidda dunida dhijitaalka ah ee Metaverse. Waxay u adeegtaa sidii lacagta rasmiga ah ee loo isticmaalo iibsashada iyo horumarinta hantida dhijitaalka ah. Coin-kan qiimihiisu hadda waa 0.773, Coin-kan waxa uu leeyahay mashruucyo waaweyn oo taageero siiya, taas oo keeni karta inuu mustaqbalka dhaw sare u kaco.

  1. Dogecoin (DOGE)

Dogecoin waa meme coin si xowli ah u kobcaya, wuxuuna hadda suuqiisu marayaa $66.2 bilyan. Sare u kac weyn ayuu sameeyay kadib markii maalqabeenka Elon Musk uu taageero u muujiyay. Hadda qiimihiisu waa $0.4, waxaana la filayaa in uu gaaro qiimihiisii ugu sarreeyay waqti dhow. Haddii aad maanta wax badan ku maalgashato, waxaa macquul ah inaad faa’iido weyn ka hesho marka qiimihiisu kor u kaco.

Suuqa lacagaha dhijitaalka ah waa mid is bedbeddel badan leh, marna sare u kaca marna hoos u dhaca. Si kastaba ha ahaatee, qofka si taxadar leh ula socdo dhaqdhaqaaqa suuqa wuxuu heli karaa fursado maalgashi oo faa’iido leh. Shan coinkan ee aan kor ku soo sheegnay waa kuwa aad maanta ku maalgelin karto, si aad u noqoto milyaneer mustaqbalka dhaw. Marka aad bilaabayso maalgashiga, ha iloobin inaad khataraha suuqan si wanaagsan u fahanto si aad u gaarto guul maaliyadeed oo waarta.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
zakicabdi026@gmail.com
  • Website

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.