Close Menu
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
What's Hot

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Israa’iil ayaa isku diyaarinaysa inay soo saarto bonds malaayiin doollar ah si ay ula tacaasho kharashaadka dagaalka.

January 9, 2025

Maxay tahay sababta ka dambeeysa hoos udhac ku yimaaday bangiyada Jarmalka?

December 28, 2024
Facebook X (Twitter) Instagram
Facebook X (Twitter) Instagram
jubaland24.comjubaland24.com
  • Warka Maanta
  • Warbixino
  • Maqaal
  • Englisdh News
  • Ciyaaro
  • Get In Touch
jubaland24.comjubaland24.com
Home»Ciyaaro»3 Daqiiqo Gudahood: United oo Garoonka Etihad Gilgishay iyo Guuldarro Kale oo Guardiola Soo Wajahday

3 Daqiiqo Gudahood: United oo Garoonka Etihad Gilgishay iyo Guuldarro Kale oo Guardiola Soo Wajahday

December 15, 2024
Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
Share
Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

Kooxda Manchester United ayaa guul cajiib ah ka gaartay dariskooda Manchester City, kadib markii ay 2-1 ku garaaceen ciyaar xiiso leh oo lagu qabtay garoonka Etihad, taasoo qayb ka ahayd wareegga 16-aad ee Horyaalka Premier League.

Qaybta Hore

Manchester City ayaa hoggaanka qabatay daqiiqaddii 36-aad, kadib kubad uu madax teesto ah uu shabaqa ku hubsaday Josko Gvardiol, kaddib kubbad laad gees ahayd oo si qurux badan u soo qaaday. Ciyaarta qaybta hore waxa ay ku dhammaatay 1-0 ay City ku gacan sarreysay, iyadoo United aysan wax fursad weyn ah sameynin marka laga reebo kubbad uu Amad Diallo ku shuuday shabaqa, taasoo hareer martay birta.

Qaybta Labaad

Manchester United ayaa si xooggan u bilaawday qaybta labaad, iyagoo fursado dhowr ah iska lumisay, gaar ahaan kubbad uu Bruno Fernandes si dirqi ah u hareer  mariyay shabaqaa. Daqiiqaddii 88-aad, qalad halis ah oo uu sameeyay Matheus Nunes oo kubbad gaaban u celiyay goolhayaha Ederson ayaa u saamaxday Amad Diallo inuu rigoore ka keeno kaddib markii gudaha xerada ganaaxa lagu riday.

Bruno Fernandes ayaa rigooradaas u beddelay gool, taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah. Daqiiqadihii ugu dambeeyay, Amad Diallo ayaa mar kale soo baxay, isagoo si farsamaysan u dhaafay Ederson, kaddibna kubbad sare ugu toogtay shabaqa, taasoo ay difaacyada City ku guuldarreysteen inay iska saaraan kahor intaysan shabaqa galin.

Tababaraha City, Pep Guardiola, ayaa si lama filaan ah u ciyaarsiiyay Matheus Nunes booska daafaca bidix isagoo isticmaalay nidaamka (4-1-4-1), halka macallinka United, Ruben Amorim, uu go’aansaday inuu ka reebo liiska ciyaartoyda Marcus Rashford iyo Alejandro Garnacho, isagoo diiradda saaray difaac adag iyo weerarro degdeg ah.

Guushan ay gaartay Manchester United ayaa cadaadis cusub ku sii kordhisay kooxda Guardiola, taasoo xaalada City uga sii daraysa tartanka adag ee horyaalka.

Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
ismail gaarane

Related Posts

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025
latest

Balleey Region

May 24, 2025

Puntland: Rajadii Siyaasadeed oo Sii dhammaanaysa!

March 16, 2025

Xiriirka ka Dhexeeya Wahaabiyada iyo Khawaarijta: Aragti Cilmiyeed

March 4, 2025

Saameynta Hoggaanka Mahmuud Cali Yuusuf ee Midowga Afrika

February 15, 2025

Subscribe to Updates

Get the latest sports news from SportsSite about soccer, football and tennis.

Jubaland24 is a leading source of news and information on Somalia, committed to providing comprehensive coverage of all Somali regions. We deliver accurate and up-to-date reporting on politics, culture, and societal issues across the nation. Founded in 2024 by a team of dedicated professionals, Jubaland24 operates under the Jubaland Media Network and is headquartered in Kismayo.
Our mission is to keep our audience informed while promoting unity, progress, and democratic values in Somalia. For any questions or comments, please reach out to us at contact@jubaland24.com.

Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube TikTok

Subscribe to Updates

Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

© 2025 jubaland24, Designed by buugmaal.

Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.